4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Nabaddoonada Gobolka Bari oo Boosaaso loogu qabtay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan xallinta Khilaafaadka [DAAWO SAWIRRO]


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ku aadan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadyada ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ee Boosaaso, aqoon isweydaarsigan oo qayb ka ah olole wacyi gelin ah oo ay waddo muassasada Al-Minhaaj ayaa waxaa ka qayb gelaya 40 kamid ah nabadoonada gobolka Bari.

Qodobada aqoon isweydaarsigan -oo hal maalin ahaa- lagu gorfeeyey waxaa kamid ah: fadliga iyo muhiimadda ay leedahay dhex-dhexaadintu, kaalinta nabadoonnada iyo shuruudaha laga rabo qofka howshaas isu-xilqaamaya.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Caydiid, wuxuuna sheegay in rugta ganacsigu ay kaalin weyn ka qaadatay xallinta shaqaaqooyin horay puntland uga dhacay, mar walbana ay diyaar u tahay in ay nabadda gacan siiso maadaama nabad la'aan ganacsigu uusan jiri karin.

Sheekh C/shaafic Axmed Cali ayaa itaas kadib jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Muhiimadda Dhex-dhexaadinta", wuxuuna tilmaamay in Islaamku uu si aad ugu booriyey dadka mus'limiinta ah in ay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ka dhasha.

Wuxuuna intaas raaciyey in khilaafku uu yahay wax dabiici ah oo inta badan bini'aadmiga ka dhex dhaca, islamarkaana uu xilliyada qaar wax u dhimo midnimada iyo walaatinimada.

"Beenta oo aan ognahay in ay xaaraan tahay, waxay diintu banneysey hadii dad is haya lagu kala badbaadinayo, taasna waxan ka fami karnaa qiimaha ay dhex-dhexaadintu leedahay" Sheekh C/shaafic ayaa yiri.

Sheekh C/laahi Cabdi (Shabeel) oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isaguna si kooban u sharraxay shuruudaha dhex-dhexaadinta iyo waxa laga rabo cidda ay tahay in ay xalliso arimaha muranku ka taagan yahay ama uu khilaafku ka jiro.

Sheekhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in nabadoonnada laga rabo in ay cadaalad sameeyaan, islamarkaana ay aad uga fiirsadaan kiisaska ay gartooda gelayaan, muhiimna ay tahay in nabadoonku uu leeyahay aqoon dhanka sharciga ah.

Ugu dambeyn, waxaa hadlay qaar kamid ah nabadoonadii aqoon isweydaarsiga loo qabtay, waxayna mahad u celiyeen culimada iyagoo tilmaamaty in ay lagama maarmaan tahay in barnaamijyada noocan oo kale ah lasii dardar geliyo.

Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo wacyi gelin ah oo ay soo qaban qaabisay muassasada Al-Minhaaj, oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya