4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Ciidamada Ammaanka Puntland oo Beeniyay in Dagaal u Dhexeeya iyaga iyo Al-shabaab uu ka dhacay Buuraleyda Galgala


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa beeniyey in dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo maalmihii u danbeeyey ka dhacay buuraleyda Galgala.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud) ayaa sheegay in uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanada hoos taga buuraleyda Galgala.

“In dagaal dhacay waan beenineynaa, warkaasi war jira ma ahan…wax dagaal ah oo dhowaanta dhacay ma jiro, haseyeeshee howlgallada ciidamadu waa kuwo joogto ah” Col. Af-guduud ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in dadku marka ay arkaan dhaq dhaqaaqa ciidamada ay u qaataan in ay dagaalo jiraan, maadaama ay ciidamadu hadba meel u guuraan.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey qaabka ay saanadda iyo hubka ku helaan xoogaga Al-shabaab ee kasoo horjeeda, wuxuu sheegay in ay uga timaado dhinaca koonfurta.

Wuxuuna maamulka Somaliland ku eedeeyey in ay gacan siiyaan Al-shabaab, islamarkaana ay saanadda iyo hubku dhinaca Somaliland usoo maraan.

Arrintaas isagoo ka hadlaya wuxuu yiri:“Sida anagu aan tuhunsan nahay, waxay saanadu usoo martaa dhinaca Somaliland, sidaas ayaan rumeysan nahay”.

Dhulka buuraleyda ah ee koonfur galbeed kaga began magaalada Boosaaso, waxaa sanadihii u danbeeyey ka dhacayey dagaalo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo xoogag muddo hadda sanad laga joogo si rasmi ah ugu biiray ururka Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya