4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Kulan diimeedkii 11-aad ee Culummada Puntland oo ka furmay Masaajidka Al-Rowda ee Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Kulankii sanadlaha ahaa ee culimada Puntland ayaa habeen hore ka billowday masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso, cinwaanka guud ee nedwada ayaa sanadkan ah “ Ismaalmka iyo Qabyaaladda” waxaana ka qayb gelaya qaar kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee dalka.

Nedwadan oo ah tii 11-aad, waxaa soo qaban qaabiyey muassasada Al-minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada. Cinwaanka 1-aad ee nedwada oo caawa baxay ayaa ahaa “ Micnaha Qabyaaladda, Taariikhdeeda iyo Farqiga u Dhexeeya Qabiilka iyo Qabyaaladda”, waxaana ku qornaa sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari iyo Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase).

Sheekh Axmed Yuusuf oo isagu si rasmi ah nedwada u furay, ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta sanadkan cinwaanka looga dhigay qabyaaladda, wuxuuna sheegay in ujeedada cinwaankaas loo doortay ay tahay, maadaama uu yahay arin taagan islamarkaana ka turjumeysa taariikhda umadda Somaaliyeed.

Qaybta koowaad ee muxaadarada caawa waxaa qaatay Sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari, sheekhu wuxuu ku dheeraaday nusuusta sharciga ah ee kusoo aroortay qabyaaladda iyo waxa ay kitaabka qur’aanka iyo sunnada nebigu qabyaaladda ka yiraahdeen.

Sheekhu wuxuu tilmaamay in waxa umadda isu keeni karaa uu yahay diinta Islaamka, balse aysan ahayn qabyaaladda, isagoo xusay in dadku ay ilaahay agtiisa ku kala qiime iyo fadli badan yihiin sida uu iimaankoodu yahay ee ay Ilaah ugu kala dhow yihiin.

“Qabiilka in laysugu faano, in lagu dagaalamo, in dhiigga lagu xalaashado kitaabka ilaaheyna lagu hooseysiiyo looma abuurin, waxa loosoo dejiyey in ay dadku isku gartaan khayrkana isugu kaalmeystaan” Sheekh Bukhaari ayaa yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu kelmeddiisa kusoo gaba gabeeyey in midnimada iyo baraaraha umaddu ay ku jiraan in kitaabka Rabbi iyo sunnada nebiga loosoo laabto.

Qabyta labaad ee muxaadarada waxaa qaatay Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase), wuxuuna sharraxaad kooban ka bixiyey qabyaaladda, waxa ay tahay iyo inta nooc ee ay u kala baxdo.

Sheekh Garaase ayaa tilmaamay in qabyaaladda ay culimada muslimiinta ee casrigani ku qeexeen:  isdifaac  ku saleysan danta ummad, urur ama qabiil gaar ihi leehay, taasoo keenta in la xaqiro xuquuqda dadka kale.

Mar uu ka hadlayey saameynta ay qabyaaladdu ku yeelatay caalamka Islaamka wuxuu sheegay in qabyaaladdu ay gashay meel walba, isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:

“Qabyaaladdu diinta way gashay, waxay ka gashay caqiidada iyo madaahibta, waxayna qayb ka tahay dhibaatooyinka ragaadiyey caalamka Islaamka”

Kulan diimeedkan oo ah mid sanadle ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 2003, waxaana soo qaban qaabiyey islamarkaana fududeeyey muassasada Al-minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya