4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Britain oo Cambaareysay Weerarradii shalay ka dhacay Muqdisho sheegtayna inay Caawinayso Dowladda Soomaaliya


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Xukuumadda Britain ayaa cambaareysay weerarradii ismiidaamin ah ee Axaddii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho oo salfaday nolosha in ka badan 33 qof, iyadoo sheegtay inay horay uga digtay weerarradan.

Birtain ayaa horraantii bishan sheegtay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal argagaxiso oo ay geystaan Al-shabaab iyo kooxo kale oo kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda inay tagaan Muqdisho.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii ka dhacay Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee William Hague oo warsaxaafadeed soo saaray. Isagoo hadalkiisa raaciyay: “Falalkan argagaxiso waxay sii dheereynayaan dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliya.”

Hague oo si hadalaya ayaa yiri: “Boqortooyada Britain iyo beesha caalamka waxay sii wadayaan go’aankoodii ay ku sheegeen inay gacan ka geysanayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen nabad, deggenaasho iyo horumar.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaah dibadda Britian wuxuu ku baaqay in sharciga la horkeeno kooxihii argagaxisada ahaa ee ka dambeeyay falkaas, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay aad uga feejignaato dhibaatoyin nooca oo kale oo dhaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sagaal qof oo hubeysan ay fuliyeen weerarkan, kaasoo ay ku dhinteen dad badan 30-qof, waxaana weerarradan ay ahaayeen laba weerar kaasoo midkooda lagu qaaday maxkamadda gobolka iyo qarax loo geystay shaqaale samafal oo Turki ah.

Balse Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarradan ayaa sheegtay in shan ka mid ah ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay fuliyeen weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo dadkii ku dhintay ay ku jireen garyaqaanno iyo dad maxkamadda u joogay dacwado kala duwan.

Axaddii shalay ayaa ahayd maalin ay Muqdisho ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa ee soo mara muddo sannado ah, iyadoo weerarradu ay saameyn ku yeesheen isku socodka degmooyinka gobolka iyo ganacsiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya