4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Xarigga ka Jaray Buundooyin Dayactir lagu sameeyay oo ku dhow Boosaaso [SAWIRRO]


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Waxaa dib loo furay labo buundo oo ku yaal jidka soo gala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaddib markii dayactir xooggan lagu sameeyey.

Buundooyinkan oo qayb ka ah 5 buundo oo ay waxyeelo kasoo gaartey roobabkii Deyrta oo meelo badan ka jaray wadada laamiga ah ee isku xirta gobollada Puntland, ayaa waxaa munaasabaddii lagu furayey kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Puntland.

Waxaana kamid ahaa wasiirka maaliyadda Faarax Cali Shire, wasiirka arimaha gudaha Cabdilaahi Axmed Jaamac, gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo isagu si rasmi ah xarigga uga jaray ayaa sheegay in saddexda buundo ee haray iyagana sida ugu dhaqsaha badan loo dayactiri doono.

Wasiirku wuxuu dhinaca kale u mahad celiyey Injineerada cidamada badda ee Puntland, oo iyagu gacan weyn ka geystey dhismaha buundooyinkan oo aan wax dayactir ah helin tan iyo xiligii la dhisay sanadkii 1988.

Ugu dambeyntii, wuxuu mudane Ilka-jiir xusay in ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo hagaajiyo magaalada Boosaaso gala, maadaama ay tahay magaalo halbowle u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland.

Mas’uuliyiinta ugu sareeya Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa hanbalyo u diray dowladda dhexe kuna booriyey in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhameystirto dayactirka goobaha kale ee ay wadadu ka go’an tahay.

Hay’adda wadooyinka Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PHA, waxay sanadkan 2013 dayactir ka sameysey in ka badan 10 goobood oo ka tirsan jidka isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya