4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo ku Guulaystey in ay kasoo saaraan Miinooyin Miyiga Degmada Goldogob

Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Miinooyin  kuwa lidka taangiyada ah, oo muddo 30-sano ka badan ku xabaalnaa miyiga degmada Gal-dogob ee gobolka Mudug ayaa lagu guuleystey in la saaro. Qorshaha miinooyinkan lagu saaray oo ah mid todobaadyadii ugu danbeeyey lagu howlanaa, waxaa iska kaashaday maamulka iyo waxgaradka Goldogob.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed  Muuse  Nuur oo xubin ka ah wefdi maamulka gobolka Mudug ka tirsan oo maalmihii u danbeeyey degmadaas kormeer ku joogey, ayaa HOL uga waramay qaabka ay howsha miina saaristu u dhacday.

Wuxuuna sheegay in muddo laba todobaad kahor ah ay heleen war ku aadan miinooyinkan, kaddib markii ay qaylo dhaan soo dirsadeen dad reer guuraa ah oo iyagu arkay goobaha ay ku jiraan.

 “Dadka reer miyiga ah ayaa warka laga helay, waxay noo sheegeen in ay arkeen miinada, cabsina ay ka qabaan in ay waxyeelo kasoo gaarto iyaga iyo xoolahooda, sidaad darteed ayaa si dhakhso ah loogu gurmadey” Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ayaa yiri.

Degmada Gal-dogob oo ku taal xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana uu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalkii dhex maray labada dal, waxay kamid tahay goobaha ugu khatarta badan dalka marka laga eego dhinaca halista miinooyinka.

Mashaariic miino-saaris ah oo horay nawaaxiga degmadaas looga sameeyey ayaa lagu saaray boqollaal miino, waxaana xusid mudan in ay jiraan dad iyo xoolo badan oo ay waxyeelo kasoo gaartey, inkasta oo ay 10-kii sano ee ugu danbeeyey dhibaatada miinadu aad hoos ugu dhacday.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya