4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Dagaal Cusub oo Dowladdu ay la galayso Al-shabaab, baaqna u diray Shacabka Soomaaliyeed


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kaddib kulan deg-deg ah oo xalay ay guddiga ammaanka Qaranka ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab ay bedeshay habkii dagaalka, iyaguna ay bedeleen qorshaha dagaal, isagoo shacabka Soomaaliyeed weydiistay inay ciidamada dowladda gacan ku siiyaan dagaalka cusub ee lala galayo Al-shabaab.

“Weerarkii Mudqdisho ka dhacay waa mid aan caqliga bani’aadamka sax ku ahayn, anigu kama hadlayo caqliga xoolaha iyo dugaagga,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray: “Waxaan doonaynaa in shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkuba ay dareemaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, wixii dhacay waxay la mid yihiin kuwa ka dhaca, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Hindiya oo ay ka jirto dowlad awood leh, wax Soomaaliya ku gar ahna ma ahan.”

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan cadowga haysta ayna gartaan naycbka iyo xumaanta uu u qabo inta ay le’eg tahay, isagoo Al-shabaab ku tilmaamay cadowga bani’aadamka iyo midka Alle.

“Nooca dagaal ee maanta la arkay wuxuu calaamad u yahay in Al-shabaab ay jabeen ayna guul-darreysteen, sidoo kalena ay waayeen kalsoonidii shacabka iyo raalli ahaanshaha Alle. Waayo dhibaatada ay sameeyeen ayaa laga garan karaa. Waxay maanta sameeyeen waa bililiqo, waana dhaqanka dadka dhiman raba ay sameeyeen, waayo awood uma lahan inay dagaal kala horyimaadaan ciidamada dowladda, inay shacabka aan dambiga lahayn dilaan waxaan ahaynna ma hayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu ku cel-celiyay in shacabka looga baahan yahay inay dowladda gacan ku siiyaan dagaalka cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay inay joogto ‘Way nagu raagtaye yaan loo kala harin’ wuxuuna xusay in Al-shabaab oo laga guuleysto ay ku xiran tahay hadba sida la isaga kaashado dagaalka lala galayo.

“Ha ogaadaan Shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab aysan cadow ku ahayn oo keliya ciidamada dowladda iyo shaqaalaheeda, balse ay cadow ku yihiin dadka oo dhan. Wajigooda dagaal way bedeleen, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaal cusub oo Al-shabaab lala galayo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaailya.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dhibaatooyinkan oo kale ay dhacayaan inta ay dadka ku dhex-jiraan kuwo uu ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal u shaqeeya Al-shabaab oo aan dan ka lahayn shacabka Soomaaliyeed iyo deggenaashaha dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo laga billaabayo Muqdisho, isagoo xusay in dagaal uu khasaare dhalinayo, balse loo baahan yahay in dadku ay u adkeystaan dhibaatooyinka dhacaya inta laga adkaanayo Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay inay sharciga horkeeni doonaan dadkii soo abaabulay weerarkii shalay, madaaama ay kuwii soo qaaday dhammaantood ku baaba’een gudaha maxamadda gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya