4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maanta Doortay Maayar cusub kaddib markii uu geeriyooday Maariyihii hore (SAWIRRO)


Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) —  Golaha Deegaanka magaaladda Hargeysa, ayaa Saaka doortay gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa oo noqon dooona maayarka magaaladda.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee ay yeesheen golaha deegaanka Hargeysa, ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu geeriyooday maayarkii magaaladda Marxuum En:Yuusuf Warsame Siciid, taasina waxay keentay in loolan adag loo galo ciddii buuxin lahayd booskaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa loolan ugu jireen,  kuwaas oo isku haystay qofka noqonaya maayarka, haseyeeshee shirar xalay xilli dambe socday ayey uga tanaasuleen inuu maayarka noqdo Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltolco.

Sidaa darteed, waxa kal-fadhigan aan caadiga ahayn ee ay iskugu yimaadeen 24 xildhibaan oo ka mid ah 25 xildhibaan ee  golaha deegaanka Hargeysa, ayaa cod aqlabiyad ah ku doortay Md:Cabdilraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo maanta laga bilaabo noqon doono maayarka magaaladda Hargeysa.

Fadhigan ay ku dooranayeen maayarka cusub waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u farobadan, wasiirka Arrimaha gudaha iyo Badhasaabka gobolka Hargeysa, sidoo kale waxa goobta shirarka ee dawladda hoose la keenay ciidan badan oo amniga xoojiya si aanay xamaasadda shirka ka socda aanu u  waxyeelayn amniga magaaladda.

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Badhasaabka gobolka Hargeysa Axmed Maxamed Jeeni Yare, ayaa maayarka cusub iyo golaha deegaanka ku waaniyey inay magaaladda qurxiyaan, isla markaana dadkii soo doortay ugu abaalgudaan waxqabad.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaanay wax khilaaf ahi ka dhalan, isla markaana u muuqday in dibadda lagu soo dhameeyey oo khilaafkii jiray la soo xaliyey, inkastoo goobta shirka uu ka maqnaa hal xildhibaan,maadaama oo xildhibaanaddu ka koobnaayeen 25 xildhibaan, isla markaana ay goobta joogeen 24 xildhibaan oo wax diiday iyo wax ka aamusayba aanay jirin, marka laga reebo halka xildhibaanka ee maqnaa.








Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland