4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Shirweynaha Arrimaha Shaqada iyo Bulshada Ururka Midowga Afrika oo Addis Ababa lagu soo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee xartunta dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha bulshada iyo shaqaalaha ee ururka Midowga Afrika. Shirkan oo looga hadlayay arrimaha shaqada, bulshada iyo shaqaalaha Afrika.

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa shirkan ka qayb-qaadanayay waxaana gaar ahaan lagu casuumay dowladaha, ururrada shaqaalaha iyo ururrada loo shaqeeyayasha.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb-gashay shirkaas oo ah kii sagaalaad. Xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ayaa ka mid ahaa ururradii shirkaas lagu casuumay; maadaama shirkan uu yahay mid saddex geesood ah.

Wafdi ka socday FESTU oo uu horkacayay xoghayaha guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ka jeediyay shirka khudbad ku saabsanayd xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Soomaaliyeed, sida loo dicaafi karo; iyagoo la siinayo shaqooyin tayo leh oo ku fulin noloshooda iyo iyadoo la dhawrayo xuquuqdooda shaqo.

Sidoo kale, shirkan ayaa looga hadlay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha qaarada Afrika iyadoo la isu furayo suuqyada shaqo iyo isku socodka dadka Qaarada Afrika ku nool.

FESTU waxay warbixinteeda ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed aysan haysan xuquuqaadka aas-aasiga ah ee shaqada, loona geysto dilal iyagoo ku jira raadsiga nolol maalmeedkooda, iyadoo koboca dhaqaalaha ay dhibaato ku tahay xannibaada isku socodka maadaama muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu soo rogo dal-ku-gal (Visa) adag.

Ergooyinka ka qayb-galayay fadhigan oo isugu jiray mas’uuliyiin ka socday dowladaha xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika iyo wakiillada shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha ayaa waxay xuseen inay tahay wax loo riyaaqo in Soomaaliya gaar ahaan ururkii shaqaalaha lagu casuumay shirka ayna ka qayb-galayaan markii ugu horreysay.

Fadhigan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ayaa ururradii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa ururweyna shaqaalaha Afrika ee loo yaqaano ITUC Afrika oo uu horkacayay ururrada shaqaalaha Afrika ee ka socday dalalka kala duwan ee Afrika. Ururrka shaqada Adduunka ILO ayaa sidoo kale kasoo qayb-galay kulanka.

Kulankan ayaa waxaa dalka Liibiya loogu doortay inuu noqdo shir-guddoonka golaha shaqada iyo bulshada ee Midowga Afrika. FESTU ayaa si toos ah u buuxisay kaalintii shaqaalaha Soomaaliyeed ee golaha shaqada iyo arrimaha bulshada ee Midowga Afrika. 

Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa waxaa matali jiray ururka shaqaalaha dalka Kenya oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in ururkii ay laahaayeen shaqaalaha Soomaaliyeed uu soo buuxiyo kaalintooda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya