3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
SIILAANYO: “Somaliland kama laabanayso Moqifkeeda gooni-isu-taaga, balse diyaar ayaan u nahay wax wada-qabsi”

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in heshiiskii ay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala la saxiixday uu nuxukiisu ahaa sidii ay labada dal uga wadashaqeyn lahaayeen danahooda.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayay in dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kawada shaqeeyaan dhinaca ammaanka, la dagaalanka burcadbadeedda iyo Al-shabaab iyo weliba inay wadaagaan deeqaha dibadaha ka imaanaya.

“Heshiiska aan saxiixnay nuxurkiisu wuxuu ahaa sidii looga wada-shaqeyn lahaa danta iyo maslaxadda labada dal,” ayuu yiri Siilaanyo oo u waramayay idaacadda VOA-da isago intaas ku daray in Somaliland aanay marnaba ka laaban doonin go’aankeeda ku saabsan gooni-isku-taagga.

Su’aal ahayd qaabka deeqaha loo wadaagayo iyo sida ammaanka ay labada dhinac u wada-sugayaan ayuu kaga jawaabay: “Sidii markii hore looga wada-shaqeyn jiray ayaa looga shaqeynayaa, waxaana laga hortagayaa wax walba oo dhibaato u keenaya sida burcadbadeedda iyo in wadahadallada lasii wado iyo in wax walba oo dhibaato ku keenaya gobolka la iska ilaaliyo.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay hesho aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay in kulammada ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya ay tahay si ay caalamka u tusaan sida ay diyaarka ugu yihiin inay mandiqadda nabad kula noolaadaan.

“Caalamka ayaa ogaanaya mowqifka Somoaliland ka taagan tahay gooni-isku-taageedda oo aan laga laabanayn ayna ku adag tahay inay madax-banaanideeda hesho, balse ay diyaar ayaan u nahay wax wadaqabsi iyo wixii labada dal dan u ah,” ayuu Siilaanyo kaga jawaabay su’aal ahayd faa’iidada Somaliland ugu jirta wadahadallada mar haddii aan laga hadlin gooni-isku-taaggooda.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay hesho aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay inaysan dhici doonin in dib ay ula midoobaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/14/2013 4:22 PM EST
Axad, Abriil 14, 2013— Bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Magalada Salalah ee Waddanka Cummaan . Bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalayay Dhammaan jaaliyadaha ku nool waddankaan Cumaan , waxaana lagusoo bandhigayay Cuntooyinka Waddan walba uu ku faano.

4/14/2013 3:56 PM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal hubeysan kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro kala duwan oo maanta lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne.

4/14/2013 12:36 PM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cimsaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerar maanta lagu qaaday dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo ay ku dhinteen dad aad u badan.

4/14/2013 11:19 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Afar cunug ayaa maanta ku sumoobay miyiga degmada Balli-Busle ee gobolka Sanaag, kadib markii ay cabeen biyo sumeysan. Labo kamid ah caruurtaas ayaa isla goobta ku geeriyoodey halka labada kalena ay xaaladoodu xilligan aad u liidato.

4/14/2013 11:13 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay 20-qof oo isugu jira kooxihii weeraray maxkamada gobolka Banaadir, ciidamada dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen maanta dhimasha maxkamada gobolka Banaadir ee Muqdisho.

4/14/2013 9:33 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Qarax ay ku dhinteen labo ruux oo u dhashay dalka Turkiga, haweeney Soomaali ah iyo qofkii weerarka fuliya ayaa ka dhacay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

4/14/2013 9:05 AM EST
Axad, April 14, 2013(HOL)—Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo todobaad ku sugnaa dalka Sweden ayaa waxay fursad u heleen in ay arkaan sida uu u shaqeeyo baarlamaanka dalka Sweden, iyagoo sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Sweden.

4/14/2013 8:55 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyay booqashooyin ku marayey dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho, isagoo ka warbixiyay safarkiisa.

4/14/2013 8:41 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukuntay Jaamac Cilmi Jiir oo ah muwaadin maqaalo taxane ah oo ku dhaliili jiray xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku qoray

4/14/2013 7:07 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka magaaladda Hargeysa, ayaa Saaka doortay gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa oo noqon dooona maayarka magaaladda.

4/14/2013 7:03 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — In ka badan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerarro isugu jiray toos iyo ismiidaamin oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka socotay dacwad lagu qaaday dad eedeysanayaal ah.

4/14/2013 6:26 AM EST
Axad, 14 April, 2013 (HOl) :- Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta jidgooyooyin dhigtay inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyadoona uu gabi ahaanba manta xiranyahay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray magaalada.

4/14/2013 2:14 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Magaalada Addis Ababa ee xartunta dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha bulshada iyo shaqaalaha ee ururka Midowga Afrika. Shirkan oo looga hadlayay arrimaha shaqada, bulshada iyo shaqaalaha Afrika.

4/14/2013 1:44 AM EST
Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii kala qaybgalay shirkii Turkiga oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa dib ugu soo laabtay saakay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.