3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Wafdigiisa oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Norway magaalada Oslo kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, isagoo ku boorriyay inay kaalin muuqata ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntiisa.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa khudbado qiimo badana ka jeediyay xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Espen Barth Eide oo sheegay in dalkiisu uu ku faraxsa yahay isbedellada ka muuqda Soomaaliya kaddib sannado badan oo colaado ah, isagoo xusay in dowladdiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo iyaguna hadal ka jeediyay munaasabada ayaa aad u amaanay isbedelka ay la yimaadeen madaxda dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya; waxayna bogaadiyeen guulaha siyaasadda iyo kuwa milateri ee ay dowladdu gaartay muddadii ay jirtay.

Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul-insaanka baarlamaanka ayaa hadal ay jeedisay ku tilmaantay inay aad ugu faraxsan tahay dareenka ay muujiyeen Soomaalida Norway ku nool, iyadoo xustay inay fariinta jaaliyaddu u dhiibeen ay kula laaban doonaan dalka.

Xildhibaan, Xuseen Carab Ciise oo isaguna ka mid ah xildhibaanadii goobta ka hadlay ayaa ka hadlay guulaha ay dhanka ammaanka ah ee la gaaray tan iyo markii dowladdan la dhisay, isagoo qurbo-joogta ugu baaqay in ciidanka xogga dalka ay siiyaan taageero buuxda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo isaguna khudbad jeediyey ayaa ugu uga mahadceliyay dowladda Norway sida ay u garab-taagan tahay shacbiga iyo dowladda Soomaaliya lagasoo billaabo muddadii uu dalka burburku galay illaa hadda oo uu dalku yeeshay dowlad rasmi ah.

Sidoo kale, Jawaari ayaa ku boorriyay qurba-joogta Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalkooda isla markaana ay ka qaybqaataan hormarka jira. Isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay mar walba ilaaliyaan midnimadooda iyo sharaftooda.

Kulanka oo ka dhacay hool-weyn oo ku yaalla bartamaha caasimadda Norway ee Oslo ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan waxaana xusid mudan in guddoomiyaha baarlamaanka la gudoonsiiyey billad sharaf, iyadoo dhanka kalena ay jaaliyadda iyo wafdiga guddoomiyaha ay dhexmaray doo dada u xiiso badan oo ku saabsan isbedelka dalka ka dhacay.

Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah: guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka, Jeeylaani Nuur Iikar, guddoomiyeyaasha 15-ka guddi ee baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska guddoomiyaha; waxaana wafdigu ay maanta hortagi doonaan baarlamaanka dalka Norway.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/10/2013 10:05 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Masjidka Qadiimka ee Balad-xaawo waxaa la dhisay sannadkii 1970-kii waana masjidkii ugu horreeyay oo degmadaas laga dhiso, isagoo sidoo kalena dhismihii ugu horreeyay oo dhagax ah oo laga dhiso degmadaas. Markii ay bateen shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ayaa waxaa la ballaariyay sannadkii 19983-kii.

4/10/2013 7:57 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay, is rasaasayn ka dhacday duleedka koonfur galbeed ee deegaanka Kaba dheere ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

4/10/2013 7:51 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in ay ula dagaalami doonaan ciidamada geysta kufsiga iyo dhaca sida ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isagoo qiray in kooxo yar oo ciidamo ka mid ah kuwa dowladda ay kufsi iyo dhac u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

4/10/2013 7:09 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa shirkoodii todobaadlaha ahaa asbuucan ku meel mariyey gobol cusub oo lagu soo daray gobollada Puntland iyo degmooyin cusub oo la magacaabay.

4/10/2013 1:50 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxdii ka qaybgalay caleemo-saarkii Uhuru Keyatta oo loo dhaariyay xilka madaxnimo ee Kenya ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha cusub ee Kenya, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xooji lahaa.

4/10/2013 1:36 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Kufsiga lagula kaco haweenka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ku yaalla Muqdisho ayaa soo kordhaya, iyadoo la sheego in kufsigaas ay intiisa badan geystaan dad xiran direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/10/2013 1:34 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan hordhac ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi.

4/10/2013 1:29 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Shir lagu horumarinayo gobollada, Awdal, Salal iyo Gabileey ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorame, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen haweenka saddexdan gobol, waxaana hadallo ka jeediyay haween ay ka mid ahayd, Caasha Kaluunle oo ka mid ahayd qaban-qaabiyayaasha kulanka.