4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Ka Qayb-qaado Dhismaha Masjidka Qadiimiga ah Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo (SAWIRRADA MASJIDKA)


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Masjidka Qadiimka ee Balad-xaawo waxaa la dhisay sannadkii 1970-kii waana masjidkii ugu horreeyay oo degmadaas laga dhiso, isagoo sidoo kalena dhismihii ugu horreeyay oo dhagax ah oo laga dhiso degmadaas. Markii ay bateen shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ayaa waxaa la ballaariyay sannadkii 19983-kii.

Masjidkan wuxuu ahaa masjidka ugu wayn ee degmadaas ku yaalla isla markaana wuxuu ahaa masjidka ugu jameecada badan masaajidda ku yaalla degmada Balad-xaawo oo ku dhow xuduudda ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kaddib markii uu masaajidku ku filaan waayay jameecadii ku tukunaysay, isla markana dhismihiisu uu noqday mid qadiim ah oo laga baqay inuu ku soo dumo jameecada ku dukata ayaa waxaa la go’aasaday in la dumiyo oo dib loo dhiso, dhismahaasnu uu noqdo mid raasamaal ah oo qurxoon  isla markaana adag, lagana dhigo mid dabaq ah, maadaama mujtamacu sii kordhayo maalinba maalinta ka dambaysa si aan dhismo iyo ballaarin dambe loogu baahan.

Sidaas darted, waxaan halkan ugu soo bandhigaynaa muslimiinta jecel inay ka qaybqaataan dhismaha masjidka si Alle uu ajar uga siisyo inay wixii kaalmo ah ee ay bixinayaan ay kusoo hagaajiyaan:

1. Sheekh C/llaahi Maxamed Faarax (C. Harqaanle) Tel:+252615120337

2. Cabdullaahi Xaaji Cismaan Tel:+254(0)720409912

3. Sheekh Yaasiin Sheeh Aadan Tel:+252615833204

4. Sheekh Maxamed Ismaaciil (Gaboobe) Tel:+252615569190

5. Sheekh Cabdirashiid Qudus +254(0)714142078

ama E-mailkan: [email protected]