1/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Madaxweynaha Somalia oo sheegay inay sida Al-shabaab ula dagaalamayaan Askarta Dhibaatooyin u geysta Shacabka


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in ay ula dagaalami doonaan ciidamada geysta kufsiga iyo dhaca sida ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isagoo qiray in kooxo yar oo ciidamo ka mid ah kuwa dowladda ay kufsi iyo dhac u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa diida eedeymaha ku saabsan dhibaatooyinka ay askarta dowladdu u geystaan shacabka, sida inay kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha.

“Tiro yar oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kufsi iyo boob u geysta dadka shacabka, kuwaasna waxaan ula dagaalami doonnaa sida aan ula dagalaanno Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo dhawaan ka hadlayay xero tababar loogu soo xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho: “Dambiilayaasha caadeystay inay kufsi geystaan, sidii kuwa naga soo horjeeda ee Al-shabaab ayaan ula dagaalamaynaa.”

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay kufsi baahsan ka geystaan xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo dowladda ka dalbatay inay ciidamadeeda ka joojiso falalkaas.

“Go’aanka madaxweynaha Soomaaliya ee ah inuu ciribtirayo falal dambiyeedyada uu ka mid yahay kufsiga ee ay geysanayaan ciidamada dowladda waa tallaabo muhiim ah, laakiinse waxaa loo baahan yahay in si dhab loo fuliyo,” ayay tiri ku xigeenka madaxa HRW ee Afrika, Leslie Lefkow.

Sdioo kale, mas’uulka HRW wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay baaritaanno ku sameyso dambiyadii dhacay iyo kuwa looga shakisan yahay inay geysteen, dambiilayaashana sharciga loo horkeeno.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaan inay kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha, taasoo muran badan ka dhex-dhalisay dowladda iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







Click here
4/10/2013 10:17 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Norway magaalada Oslo kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, isagoo ku boorriyay inay kaalin muuqata ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntiisa.

4/10/2013 10:05 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Masjidka Qadiimka ee Balad-xaawo waxaa la dhisay sannadkii 1970-kii waana masjidkii ugu horreeyay oo degmadaas laga dhiso, isagoo sidoo kalena dhismihii ugu horreeyay oo dhagax ah oo laga dhiso degmadaas. Markii ay bateen shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ayaa waxaa la ballaariyay sannadkii 19983-kii.

4/10/2013 7:57 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay, is rasaasayn ka dhacday duleedka koonfur galbeed ee deegaanka Kaba dheere ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

4/10/2013 7:09 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa shirkoodii todobaadlaha ahaa asbuucan ku meel mariyey gobol cusub oo lagu soo daray gobollada Puntland iyo degmooyin cusub oo la magacaabay.

4/10/2013 1:50 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxdii ka qaybgalay caleemo-saarkii Uhuru Keyatta oo loo dhaariyay xilka madaxnimo ee Kenya ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha cusub ee Kenya, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xooji lahaa.

4/10/2013 1:36 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Kufsiga lagula kaco haweenka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ku yaalla Muqdisho ayaa soo kordhaya, iyadoo la sheego in kufsigaas ay intiisa badan geystaan dad xiran direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

4/10/2013 1:34 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan hordhac ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi.

4/10/2013 1:29 AM EST
Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Shir lagu horumarinayo gobollada, Awdal, Salal iyo Gabileey ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorame, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen haweenka saddexdan gobol, waxaana hadallo ka jeediyay haween ay ka mid ahayd, Caasha Kaluunle oo ka mid ahayd qaban-qaabiyayaasha kulanka.