4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Madaxweynaha Somalia oo xalay la kulmay Dhiggiisa Dalka Kenya, saakayna dib ugu soo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxdii ka qaybgalay caleemo-saarkii Uhuru Keyatta oo loo dhaariyay xilka madaxnimo ee Kenya ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha cusub ee Kenya, isagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xooji lahaa.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin: qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya, xiriirka labadda dal iyo weliba isbedellada ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasaan Sheekh ayaa ugu horreyn madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ugu hambalyeeyay xilalka cusub ee loo dhaariyay; wuxuuna u sheegay in Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay inay la shaqeyso xukuumadda cusub ee Kenya, isagoo uga warbixiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya galay.

“Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool caalamka daafihiisa oo dhan, waxaana naga go’an inaan ka shaqeeyno inay dadkaas dalkooda dib ugu soo laabtaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay kaddib kulankii uu la yeeshay dhiggiisa Kenya.

Kulankan ayaa waxaa la iskula gartay in la xoojiyo xiriirka labadda waddan ee dariska ah. Iyadoo sidoo kalena la go’aamiyay in lasii wado heshiiskii ay horay u gaareen Kenya iyo Soomaaliya ee ahaa in la dhiso guddi wadajir ah oo ka shaqeeya xoojinta xirirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee la qaybgalay caleemo-saarka Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho saakay aroortii hore.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya