4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Hordhac ah kula yeeshay Magaalada Kampala Dhiggiisa Uganda (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan hordhac ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi.

Labada ra'iisul wasaare ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyadoo ugu horreyn uu ra'iisul wasaaruhu ka mahad-celiyay doorka Uganda uga jirto dadaalka sida rasmiga ah loogu nabadeynayo Soomaaliya.

"Waxaan dowladda Uganndaha iyo shacabkeedaba uga mahad-celinayaa doorkeeda muuqda ee howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, waxayna ahayd dawladdii u horreysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay bad-baadada Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisal wasaare Saacid.

Ra'iisul wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeeddada socdaalka uu ku marayo dalalka bariga Afrika iyo midka uu ku tagay dalka Ugvanda, isagoo sheegay inay qayb ka tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka howlaha lagu sugayo ammaanka Soomaaliya.

"Waxaan idin kugu nimid inaan dardargelino howlaha sugidda ammaanka iyo xasilinta dalka, innagoo wadna qorsheyaal cusub oo aanu doonayno inaan si buuxda ula kaashano AMISOM oo Uganda ay safka hore kaga jirto," ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray in khatarta argagixiso aysan ahayn mid la sahlan karo una baahan tahay iskaashi buuxa.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa ka mahad-celiyay booqashada ra'iisul wasaare Saacid uu ku tagay dalkaas, wuxuuna aad u soo dhaweeyey qorshaha cusub ee dowladdu ay ku dooneyso inay kusoo celiso amniga iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya.

Wadahada u dhexeeya wafdiga ra'iisal wasaaraha iyo dowladda Uganda ayaa sii socon doona, waxaana qorshaysan in ra'iisul easaaruhu la kulmo madaxweynaha Uganda, Yuweri Mesevini isagoo kala hadli doona iskaashiga labada dal.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya