4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Kulan looga hadlayay horumarinta Gobollo ku yaalla Somaliland oo Magaalada Boorme lagu qabtay (DAAWO SAWIRRADA)


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) —  Shir lagu horumarinayo gobollada, Awdal, Salal iyo Gabileey ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorame, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen haweenka saddexdan gobol, waxaana hadallo ka jeediyay haween ay ka mid ahayd, Caasha Kaluunle oo ka mid ahayd qaban-qaabiyayaasha kulanka.

Munaasibada ayaa waxaa kaloo ka hadlay haween ay ka mid ahaayeen, Xaawa Rooble, Aamina Cilmi Fariid, Hooyo Khadra, waxayna dhamaantood sheegeen in loo baahan yahay in xoogga la saaro horumarinta gobollada ay kasoo jeedaan.

Haweenkan ayaa waxay kulankooda kaga dhawaaqeen in qof walba uu lacag ku bixiyo sidii gobolka loo horumarin lahaa, iyadoo qof walba laga qaadayo wixii ay awooddo.

Qorshayaasha ay haweenkan ayaa waxaa ka mid ah sidii deked looga hir-gelin lahaa gobolladan, si dhaqaale badan uu kasoo galo bulshada ku nool saddexda gobol; sidoo kalena ay mashaariic wax tar u leh bulshada looga hirgelin lahaa gobolladan.

Si kastaba ha ahaated haween-weynaha ku nool magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame ayaa sameeyay wacyi-gelinno ku saabsan sidii shacabku ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarinta gobolkooda si dadku ay u helaan mustaqbalka dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin oo lacag la’aan ah.







Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland