4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Deeq lacageed lasoo gaarsiiyay Hooyo uu Aqalkeedii kaga gubtay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Deeq lacageed ayaa lasoo gaarsiiyay qoys dan-yar ah oo gurigii ay galayeen ama deggenaayeen uu kaga gubtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo qoyskaas ay kaalmo deg-deg ah weydiistay walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa lacagtan gudoon-siisay loona soo wakiishay Wariye, Khadra Xasan Nuux oo ka tirsan HOL, Waxaana deeqdan lacageed oo ahayd 400 oo dollar ay ka kala timid dhowr waddan, iyadoo la guddoonsiiyay hooyada dhibku soo gaaray, walow ay codsanayso inay walaalaha muslimiintu ay soo caawiyaan dhammaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga.

Hooyadan ayaa u mahad-celisay dhammaan inta gacan ka gaysatay iyo inta u soo waddaba iyo dhamman howl-wadeenada Hiiraan Online oo ogeysiiyay walaalaha Soomaaliyeed dhibaatada ku dhacday hooyadan iyo caruurteeda.

Ugu dambeyn, hooyadan waxay waxay codsanaysaa gargaar dheeraad ah si ay u hirgeliso dib u dhiska aqalkii ka gubtay, iyadoo ciddii doonaysa inay ku caawiso wixii ay awooddo hooyadan ay kala xiriiri karto Wakiilka HOL ee Magaalada Boorama, Khadra Xasan Nuux oo aad kala hadli kartaan teleefan: 0025224137412.



Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia