3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Danjire Augustine Mahiga oo Xidhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kula taliyay inay doortaan Hoggaamiye Aragti fog

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga ayaa xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay soo doortaan hoggaamiye soo dhisi kara dowlad wanaagsan oo macquul ah sida hoggaanka mideysan ee baarlamaanka Soomaaliya.

Danjire Mahiga, wuxuu ku tilmaamay baarlamaanka hadda jira inuu yahay kii ugu aqoonta badnaa ee matala shacabka oo abid soo mara taariikhda Soomaaliya, isagoo xusay inay ogaadaan xildhibaannadu inay yihiin hay’add lagu aamay ayaaha dalkooda.

Isagoo ka hadlayay diyaar-garowga doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ay indho gaar ah ku eegayaan maalmaya yar ee harsan iyagoo qaba rajo iyo hami weyn, waana inaad kasoo dhalaashaan hamigaas.

"Murashaxiintu madaxweynaha waxay idiin soo bandhigi doonaan qorshayaashooda siyaasadeed, dhageysta oo xulashadiina ku saleeya sida ay u kala wanaagsan yihiin," ayuu yiri Mahiga, "Run iyo been waxaa maalin uun kala caddaan doona wararka sheegaya in musuqmaasuq iyo laaluush bixin ay jiraan si la isugu dayo in codadka la iibsado."

"Codadka la dhiibanayo waa sir mana ogaanayo qof dhiibanaya codkiida iyo alle awoodda leh ee uumay lama ogaan karo qofka aad codkaada siisay – laguma ogaan doono mana dhici doonto in la idinka aar guto," ayuu Mahiga ku yiri warqaddiisa furan.

Augustine Mahiga wuxuu xildhibaanada baarlamaanka ka codsaday inay ka fikiraan codkooda iyagoo ka fikiraya wanaagga dalkooda, sidoo kalena wuxuu kula taliyay inay ogaadaan inuusan saarnayn waajib aan ahayn kan dal.

"Dooro murashaxa noqon doona daacad kana soo bixi kara hoggaaminta dalka ee leh argti fog oo ku habboon afarta soo socota ee dhismaha iyo isbedelka nabadda Soomaaliya," ayuu yiri Danjire Mahiga oo la dardaarmayay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu kusoo gabagabeeyay warqaddiisa furan: "Sharaftiina iyo fursaddiinna waxay ku jiraan cod dhiibashada qarsoodiga ah, ha ogolaan in fursaddan ay siibato 10-ka bishan September ee soo socota."

Hadalka danjire Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay Muqdisho ka socdaan ololayaal fara badan oo murashax walba u ku doonayo inuu ku kasbado xildhibaannada baarlamaanka si ay isaga codka u siiyaan uuna ugu guuleysto hoggaaminta Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/7/2012 5:31 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajeynayaan inuu dalku geli doono jawi ka wanaagsan midda uu hadda ku jiro, kaddib doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:20 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay gargaarka bani'aadanimada ku qabatay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.

9/7/2012 5:10 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu uu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ka billaabay ololihiisa doorashada, isagoo kulammo kala duwan la leh xubno uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

9/7/2012 5:08 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhici doonta toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:06 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.

9/7/2012 5:05 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo hadal ka jeediyay shirweynihii xisbiga Dimuqraadiga ee lagu soo gabgabeeyo magaalada Shalot ee gobolka North Carolina ayaa sheegay inuu aqbalay inuu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo dhacaysa bisha November ee sannadkan.

9/7/2012 5:03 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bam-gacmeed xalay lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla isgoyska cunaaye ee xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

9/7/2012 5:02 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka cabanaya dhac xilliyada habeenkii ah ay u geystaan kooxo budad ku hubeysan, kuwaasoo ka mid ah dadka deegaannada ay ganacsiga ku haystaan, sida ay sheegeen ganacsatada Soomaaliyeed qarkood.