4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Soomaalida ku Ganacsada Waddanka Koonfur Afrika oo ka cabanaya kooxo jabsanaya dukaamadooda ganacsiga habeenkii

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka cabanaya dhac xilliyada habeenkii ah ay u geystaan kooxo budad ku hubeysan, kuwaasoo ka mid ah dadka deegaannada ay ganacsiga ku haystaan, sida ay sheegeen ganacsatada Soomaaliyeed qarkood.

Gancasde Maxamed Xasan Cumar oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in habeen hore la garaacay saddex ganacse oo dukaankii ay jiifeen la jabsaday, sidoo kalena la boobay wixii dukaanka yaallay, isagoo sheegay inaysan jirin cid wax ka qabatay falkaas.

"Dhibaato badan ayaa nagu haysata halkaan, waayo cid noo doodaysa ma jirto, dhibaatada naloo geysanaya waa mid soo badanaysa," ayuu ganacsadaha oo sheegay in haddii ay sii socoto dhibaatada lagu hayo ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

Inta badan Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxay ku ganacsadaan goobaha ka baxsan magaalooyinka, goobahaas oo ah kuwa ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

"Kooxaha dhaca geysanaya waa shacabka deegaanka aan ganacsiga ku haysanno, waxay ku qaylinayaan ma doonayno in dalkeenna ay ku ganacsdaan Soomaalida," ayuu yiri Maxamed Xasan oo intaas ku daray inay ku dacweeyeen kooxahan maamulka halkaas ka jira balse aan waxba laga qaban.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo halkaas ku haysta ganacsiyo kala duwan, waxaana tan iyo markii ay halkaas tageen sagaashamaadkii ay la kulmayeen falal isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo boob hantiyeed oo joogto ah.

Xukuummadda Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday ayaa dhawaan safiir u magacowday dalkaas, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya ku yeelato dalka ku yaalla Koonfurta Afrika si loo yareeyo dhibaatooyinka loo geysnayo Soomaalida, balse weli si rasmi ah uma howlgelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya