4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Murashaxiin kale oo ku biiray Murashaxiinta buuxiyay shuruudihii Murashaxnimo ee looga bahnaa
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliyaiyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiinta u taagan doorashada madaxnimo ee dalka ayaa ku biiray xubnihii horay u buuxiyay shuruudihii uu ku xiray guddiga doorashada madaxweyne ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gudbiyay guddiga doorashada warqadihii ay soo buuxiyeen, kuwaasoo ay ku qornaayeen shuruudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, in murashaxu uu bixiyo 10,000 oo dollar iyo inuu kalsooni ka haysto labaatan murashax.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan September, iyadoo guddiga uu tan iyo billowgii bishan waday diyaagarowga sidii ay ku dhici lahayd doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

"Maanta ayay ku eg-tahay qabashada araajida, illaa iyo haddana waxaa buuxiyay shuruudihii looga bahnaa siddeed murashax," ayuu yiri afhayeenka guddiga mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo saxaafadda la hadlay.

Afhayeenka guddiga ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in 37 murashax ay siiyeen warqadihii ay kusoo buuxin lahaayeen shuruudihii looga bahaa, isagoo sheegay inay dhici karaan in murashaxiintaas qaarkood aysan dib u soo celin warqadihii ay qaateen.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya ay ka baxayso xilliga KMG ah ayna ka dhacayso Muqdisho doorashada madaxweynaha Soomaaliya kaddib 42-sano ayaa waxaa dadaal weyn ugu jiray qabsahada xilkan xubno fara badan oo qaarkood horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaargarow loogu jiro doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, iyadoo murashaxiinta qaarkood ay sameynayaan ololayaal ay ku doonayaan inay ku kasbadaan codadka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo madaxweynaha dooranaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya