4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray Guri ku yaalla Afgooye iyo Kooxo weeraray gaari kasoo ambabaxay Baydhabo
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 13 qof oo kalena way ku dhaawacmeen bam xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Afgooye iyo weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari rakaab siday oo kasoo ambabaxay magaalada Baydhabo kuna soo jeedyay Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay HOL in weerarku ahaa mid xooggan oo inta badan degmada laga maqlay, waxaana weerarkaas ku dhintay hal qof saddex qof oo kalena way ku dahawacmeen.

"Dadka guriga ku sugnaa waxay ahaayeen kuwo ka ganacsada mukhaadaraadka, saddexda qof ee dhaawacmayna waxay kala ahaayeen laba rag ah iyo qof dumar ah... lamana oga ciddii weerarka ka dambeysay," ayaa laga soo xigtay mas'uul ka tirsan maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Inkastoo saakay ay xaaladdu tahay mid aad u deggen, haddana dadka degmadaas ku nool waxay hadal hayaan weerarkii xalay dhacay, iyadoo maamulku uu sheegay in weerarka bam uusan ahayn mid ay ka dambeyso Al-shabaab.

Dhanka kale, saddex qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari ka yimid Baydhabo oo Muqdisho kusoo socday waxaana la sheegay in dableydu ay gaariga ku fureen rasaas aysan u meel-dayin.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buurhakab oo gobolka Bay ka tirsan iyo Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay Al-shabaab ka taliso ayay kooxihii geystay baxsadeen iyagoo aan wax hanti ah ka qaaday dadkii la socday gaarigii ay weerareen, mana jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Rakaabkii kale ee gaariga la socday ayaa ku sugan halkii uu falku ka dhacay,  iyadoo dadkii dhaawacyada ahaa loosoo qaaday Muqdisho halka kuwii dhintayna la doonayo in lagu aaso deegaanka uu weerarku ka dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya