6/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Xarkada Al-shabaab oo sheegtay in Maamulkeedii ay kala baxday Kismaayo, Laakiin ciidamadeedu ay dagaalami doonaan
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday maanta in xalay la xiray xafiisyadii maamulkoodu ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, balse ay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cid walba oo kasoo horjeedda ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Al-shabaab ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in shan sano oo Kismaayo ay maamulayeen kaddib ay isaga baxeen magaaladaas, balse waxay hadalkooda ku dareen in ciidamada Kenya iyo kuwa la socda ay eedi doonaan duullaanka ay kusoo qaadeen magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

"Shan sano kaddib xalay, Al-shabaab waxay xirtay xafiisyadii ay ku lahayd Kismaayo," ayaa lagu yiri war kooban oo lagu qoray bogga Twitter-ka ee Xarakada Al-shabaab, iyagoo ka bixitaankooda ku sheegay xeelad dagaal, balse ma aysan sheegin halka ay ciidamadeedu aadeen.

Bog Internet ah oo lagu baahiyo wararka Al-shabaab ayaa isaguna soo daabacay maanta in mas'uuliyiintii maamulka Al-shabaab ay isaga baxeen Kismaayo, balse ay weli ku sugan yihiin aagagga dagaalka ciidamada Al-shabaab oo doonaya inay ka difaacaan magaalada.

Xarumihii maamulka Al-shabaab ee Kismaayo ayaa saakay waxaa boobay dadweyne ku qamaamay, iyadoo dadku ay sheegeen inuusan jirin askari ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan magaalada, inkastoo aan la ogeyn inay ku sugan yihiin goobaha la isku horfadhiyo iyo in kale.

Ciidamada huwanta ah ee isbahaysanaya ayaan iyaguna weli gelin magaalada, inkastoo shacabka magaalada ku haray ay ka baqdin qabaan in dhibaatooyin loo geysto marka ay ciidamada dowladdu galaan magaaladaas.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ahayd magaaladii ugu weynayd ee ay Al-shabaab gacanta ku hayeen, iyadoo magaalada Jowhar ay noqonayso tan ugu weyn ee hadda ku hartay gacanta Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/29/2012 5:48 PM EST
Sabti, September 29, 2012(HOL): Fadhigii 21aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulankan ayaa si weyn waxaa looga hadlay xaaladda Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya soo maray.

9/29/2012 9:58 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne waxaa gaaray dadkii ka barakacay fatahaadii maalintii shalay ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwasoo waqtigan ay soo food-saareen xaalado adag dhinaca nolasha ah.

9/29/2012 9:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

9/29/2012 8:40 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood.

9/29/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan ayaa laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay duhurnimadii maanta xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo dilalkan ay ka dhigayaan dadka maanta oo keliya lagu dilay Kismaayo saddex qof oo shacab ah.

9/29/2012 7:52 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii maanta afar xildhibaan xilalka uga xayuubin, kuwaasoo 20 kal-fadhi oo isku xiga aan kasoo xaadirin fadhiyada Golahaasi.

9/29/2012 7:50 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kaddib markii bam-gacmeed lagu weeraray maanta suuqa qoryaha lagu qoro oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

9/29/2012 6:29 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) - Dadweyne taageersan madaxweynaha dhawaan loo doortay Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dibad baxyo ka sameeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

9/29/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona magaalada ay ka socoto bililiqo iyo boob loo geysanayo xarumihii maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo.

9/29/2012 3:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay xarunta madaxtooyada xubno ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo uu isagu ka mid ahaan jiray.

9/29/2012 3:17 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka socda sirdoonka magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa habeen hore saqdii dhexe xabsiga u taxaabay wariye C/fataax Maxamuud Caydiid oo ka tirsan wargeyska Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa.