4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ururrada Bulshada Rayidka ah ka dalbaday inay kala shaqeeyaan dib u dhiska dalka iyo Ammaanka
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay xarunta madaxtooyada xubno ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo uu isagu ka mid ahaan jiray.

Kulanka oo ahaa mid intiisa badan diiradda lagu saaray sidii ay ururrada bulshada rayidka qaybtooda uga qaadan lahaayeen horumarinta dalka iyo sugidda ammaanka ayaa waxaa hadallo ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsan bulshada rayidka ah.

“Bulshada rayidka ah waxaa looga baahan yahay inay ka qaybqaataan sugidda ammaanka, waayo waxaa dhacaysa in qof aan wax galabsan oo kasoo baxay maqaayad la dilo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, oo sheegay in bulshada rayidka ah ay door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dowladdu ay la dagaalamayso musuq-maasuqa si loo helo dowlad tayo oo gudata howlaha ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan, sidoo kalena ay dowladda ka go’an tahay in ammaanka guud ee dalka ay adkeyso si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan ammaan buuxa.



Sidoo kale, xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka oo kulanka ka hadlay ayaa kula taliyay madaxweynaha inuu xoojiyo dib u heshiisiinta, dhalliyarada la dareensiiyo inay iyagu leeyihiin dalka si ay u dareemaan qiimaha dalkooda ayna uga qaybqaataan difaaciisa.

“Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in haweenka iyo dhallinyarada wax laga siiyo hoggaanka dalka,” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii ka socday bulshada rayidka ah ee kulanka ka qaybgashay, iyadoo soo dhaweysay kaalinta ay haweenku ku yeesheen hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, xubnaha bulshada rayidka ah waxay sheegeen inay dhallinyarada u sameyn doonaan wacyi-gelin si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalkooda, maadaama ay dhalintu yihiin mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo inuu ku dhawaaqo ra’iisul wasaare soo dhisa xukuumad hoggaamisa dalka, ayaa wuxuu tan iyo markii la magacaabay kulammo la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo kulankan uu qayb ka ahaa kulammadaas.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya