4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Dagaal ka billowday Duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose iyo Madaafiic ku dhacaysa Qaybo Magaalada ka tirsan

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Dagaal fool ka fool ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ka bilowday duleedka magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo ay isaga soo horjeedaa ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya oo saaka maraakiib uga soo dagay dhanka xeebta Cceeldhiig ee magaalada Kismaayo iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo ah mid xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday kadib markii saaka duleedka magaalada ay soo dhoobteen ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan, kuwaasoo ku yimid Maraakiib nooca dagaalka ah

"Madaafiic ayaa dhaceyso, rasaastana magaalada siweyn ayaa looga maqlayaa halka ay hada xabada ka socoto waa Jaamacadda Kismaayo dhankeeda," siidaa waxa yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo ku sugan magaalada Kismaayo

Ciidamada magaalada soo weerarary ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan kumannaana isugu jira Soomaali iyo Kenyan, waxaana soo daabulayo Maraakiib dagaal oo ku sugan xeebta Ceeldhiig ee magaalada Kismaayo, waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in ciiamada huwanta ah ay ku suganyihiin duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halka loo yaqaan dalxiiska, nawaaxiga madaxtooyada ilaa Jaamacadda Kismaayo oo masaafo yar u jirta magaalada.

Xoogagga Al-shabaab ayaa abaabul xooggan ka bilaabay gudaha magaalada, waxaana Saraakiil katirsan Al-shabaab oo ka hadlay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab ay ugu baaqeen shacabka Kismaayo dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee duulaanka soo qaaday.

Ciidamada dhanka xeebta kasoo galay magaalada kasokow waxa lagu soo waramayaa in magaalada ay ku dulwareegayaan diyaarado nooca Miigga loo yaqaan kuwaasoo gantaallo ku tuuraya saldhigyada Al-shabaab ee magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay gelinkii danbe ay diyaarado dagaal duqeymo ka geeysteen duleedka magaalada, waxaana diyaaradahaasi ay sidoo kale ku daadiyeen gudaha Kismaayo waraaqo ay ku daabacnaayeen qoraallo loogu baaqayo shacabka reer Kismaayo in ay taageeraan dowladda Soomaaliya.

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa Insha'allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya