4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Wadooyinka Muqdisho Qaar ka mid ah ay yaallaan Isbaarooyin lacago lagu Qaado

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in isbaarooyin lacago looga qaado dadka shacabka ah ay yaallaan qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, isagoo ugu baaqay ciidamada dolwadda inay isbaarooyinkaas wax ka qabtaan.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan sheegay kaddib socod uu ku maray degmooyin ka tirsan Muqdisho, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in kuwa isbaarooyinka ay u yaallaan goobahaas la qabto, si dadka looga badbaadiyo.

"Ciidamada dowladda waxaan ugu baaqayaa inay wax ka qabtaan isbaarooyinka ay dhiganayaan kuwa ku labisan dharka ciidamada," ayuu Tarsan wariyeyaasha ugu sheegay xerada Maslax ee duleedka Muqdisho, halkaasoo uu socod ku tagay.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wuxuu imaanayaa xilli saakay uu mid ka mid ah askarta dowaldda oo ay isbaaro u taallo xaafadda nasteexo ee degmada Wadajir uu dilay qof rayid ah oo la socday gaari rakaab.

Dilka qofkan rayidka ah ayaa imaanaya kaddib markii askari ka tirsan ciidamadii ku sugnaa isbaaradaas uu rasaas ku furay gaari rakaab siday kaddib markii ay wadaha gaariga iyo askarigu ku murmeen lacago gaadiidka laga qaado.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaa ciidammo xiran dharka milateriga oo gaadiidka dadweynaha lacago ka qaadaya, iyadoo isbaarooyinka ay soo xoogeysteen markii lasoo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ka digo isbaarooyin la dhigto waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo ay inta badan ka cowdaan wadayaasha gaadiidka iyo dadka rakaabka ah ee gaadiidka la socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya