4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Booliiska Dowladda Soomaaliya oo Xalay Baaritaanno Saf-ballaaran ah ka sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay baaritaanno saf-ballaaran ka sameeyay saddex degmo oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo lala xiriirinayo ammaan-darradii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho.

Baaritaannada ayaa waxaa laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka, Xamar-Jajab, Waaberi iyo degmada Yaaqshiid, iyadoo taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu adkenayo ammaanka caasimadda Soomaaliya.

"Howgalladan waxaa lagu soo qabqabtay dad fara badan oo la baadi-goobayay, kuwaasoo la aamisan yahay inay qayb ka yihiin Al-shabaab, ayna Muqdisho ka wadeen falalka ammaan-darrada ah ee soo laalaabtay," ayuu yiri Col. Maalin.

Taliyuhu wuxuu sheegay in baaritaanno la marsiin doono dhammaan dadkii lagu soo qabqabtay howgallada, wuxuuna intaas ku daray in ciddii ay ku caddaato inay ka tirsan tahay Al-shabaab la saari doono maxkamad, ciddii kalena la siin dayn doono.

"Inta ammaanka Muqdisho uu ka noqonayo mid wanaagsan, howlgalladan way socon doonaan," ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Banaadir, wuxuuna xusay in laga sameyn doono baaritaannada guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howgalladan ayaa waxay imaanayaa iyadoo maalmahaan ay Muqdisho ka jireen falal ammaan-darro oo ay geysanayeen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana uu baaritaankan kusoo beegmay iyadoo shalay ay hay'adda Nabadsugudda gobolka Banaadir soo bandhigtay dad ay howgallo kusoo qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bishan ka dhacay laba qarax oo waaweyn kuwaas oo mid ka mid ah lagu weeraray horraantii bishan hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kan kalena wuxuu dhacay bartamihii bishan kaasoo dilay dad badan oo ay ku jireen suxufiyiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya