3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Munaasabad lagu sagootinayay Madaxweynihii hore ee Somalia lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub oo Muqdisho ka dhacday

Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaflada oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo hadal-qaaday xaaladaha amaan-dari ee maalmihi lasoo dhaafay ka jiray Muqdisho kuwaasoo isugu jiray dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, isagoo tacsi u diray dhammaan ehelada iyo asxaabta dadkii Soomaaliyeed ee ay ku jireen suxufiyiinta ee ku dhintay rabshadaha taagan.

Mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare samatabixin kara shacabka Soomaaliyeed, kana soo bixi kara howsha loo xil-saaro.


"Waxaa sharaf inoo ah maanta inaan isugu imaanno kuna sagootinno madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaana kusoo dhaweyno madaxweynaha cusub ee dalka, runtii waxaa lagu jiraa xalad kala guur ah arrinta ugu muhiimsan ee aan rabo inaan abaarno waxa waaye arrinta Ra'iisul wasaaraha, innagoo cosanayna in lasoo xulo ra'iisul wasaare karti leh," ayuu yiri Cumar Filish.

Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Muudeey oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaankii KMG ahaa ayaa ku amaanay maamulka degmada Wadajir horumarka xagga ammaanka ah ee ay degmada ku talaabsaday, isagoo dadka deegaanka ka codsaday inay maamulka la shaqeeyaan.

"Waxaan aad ugu faraxsannahay xafladan qiimaha badan ee ay dadka qaaliga ah kasoo qayb-galeen, aniga waxaan ka tirsanahay shacabka Wadajir, gaar ahaan xaafadda Jeneraal Daa,uud, waxaan rabaa inaan idiin sheego waxaa in badan la sheegay soo dhaweynta madaxweynaha cusub iyo sagootinta madaxweynihii hore marka aniga waxaan ka mid ahay dadka la sagootinayo, waxaan rabaa inaan xuso degmada Wadajir oo qiimo gaar ah inoo leh waxay kaloo inoo leedahay xusuus gaar ah waana qiimaha nabadgalyada oo aan isugu nimid xafladaan qiimaha badan," ayuu yiri Muuddeey.



Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) oo hadal dheer ka jeediyey munaasabadda ayaa u hambalyeeyay kooxda deegaan ee dalka Jabuuti oo xafladda kusoo bandhigtay heeso guubaabo ah.

Axmed Daaci ayaa ku amaanay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed shaqada uu ka qabtay amniga gaar ahaan Muqdisho, wuxuu tilmaamay in shaqadii uu qabtay ay suurogelisay in dalka markii ugu horreysay muddo 42 sano ah lagu qabto doorasho madaxnimo oo xor ah.

"Xafladaan waxaan ugu talo-galnay inaan kusoo dhaweyno madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aana sidoo kale ku sagootinno madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed. Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Shariif Sheekh oo suuro-geliyay in maanta uu soo gaaro heer la isku doorto gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay shacabkan wuxuu u baahan yahay nabad, horumar iyo cadaalad sidaas daraadeed waxaan kaa codsanaynaa inaad xoogga saarto sugidda amniga iyo cadaaladda," ayuu yiri Axmed Daaci.


Munaasabaddan ayaa waxay noqnoaysaa tii ugu horreysay nooceeda oo Muqdisho lagu qabto iyo tii ugu horreysay ee lagu sagootiyay madaxweynihii hore ee Somalia laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee doorashadii madaxweynenimo ee dalka ku guuleystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.

9/26/2012 8:36 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.

9/26/2012 8:07 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.

9/26/2012 7:34 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.

9/26/2012 4:11 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.

9/26/2012 3:53 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.

9/26/2012 3:29 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.