4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Khubarro ku Takhasusay Xasuuqyadda Dunidda ka dhaca oo Baaritaanno ku sameeyay Xabaallo-Wadareedyo ay ku jiraan Shacab lagu laayay Hargeysa

Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.

Khuburadan oo ka kala socda ururo caalami ah oo ka kala yimid canadda iyo Maraykan iyo wariyeyaal caalami ah, ayaa waxa dalka keenay C/casiis Maxamed Diiriye oo ka mid ah xubnihii dacwadda ku oogay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Khuburadan ajanabiga ah ayaa waxa hogaaminayey khabiir Mr: Jos Pablo la yidhaa oo ka socda shirkada EPAF oo takhasus u leh baadhitaanka lafaha bani’aadamka, waxaanay heshiis baadhitaan oo muddo shan sanno soconaya la galeen Somaliland, waxaana la shaqayn doonto ardayda caafimaadka barata ee Somaliland, si ay uga bartaan qaabab loo baadho dadka sida wada jir ah meel loogu wada Aaso.


Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo goobtan la baadhayey ka hadlay, ayaa sheegay in xaal wadareedkan ay ku jiraan 41 qof oo hal mar la toogtay, kuna xidhxidhan yihiin xadhkii, halka meesha ku xigtana ay ku jiraan 12 qof, waxaanu sheegay in marka dib loo soo saaro lafahan la baadhi doono  si loo helo qof waliba eheladiisa, kadibna xabaalo caadi ah loo samayn doono, culimaduna ay la shaqayn doonto si loo waafajiyo shareecadda islaamka, iyadoo salaadii iyo waajibaadkii qofka dhintay diinta islaamku ku xukuntay loo samayn doono.

Wasiirku waxa uu sheegay inay markhaati ka noqon doonaan khuburadani xabaalahan, isla markaana shahaado aqoonsi ah oo caalami ah bixin doonaan xabaal walba inta ku duugan iyo qaabla loo dilay iyo marxuumkasta in la helo ehelkiisa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi ayaa isna sheegay in wixii soo kala gaadhay labadii ciidan ee iska horyimid ciidankii dawlada iyo Ciidankii jabhada ay kala calaf qaadeen, isla markaana ay ahaayeen laba ciidan oo dagaal kuwada jira, wixii dhexdoodda is gaadhsiiyeena wax loogu tallogalay ahayd, oo aan kuwaas la xisaabinayn, balse waxay baadhayaan khuburadan ay yihiin  dadkii shacabka ahaa ee sida wada jirka ah halka mar loo laynayey, isagoo halkaas uga duceeyey inuu naxariistii alla siiyey.


Wasiirku waxa kale oo uu xusay dadkan cida laysay In aanay ahayn cid gaar ah iyo qabiil gooniya, balse ay ahayd dawlad wakhtigaas jirtay, sidaa darteed aan loo nisbayn cid gaar ah, balse nidaam jiray oo askartiisu cid walba ku jirtay ay ahayd, sidoo kale waxa uu tilmaamay in madax  ilaa askariga ugu hooseeyey ee dadkaasi laayey aan cid cafin kartaa aanay jirin, ilaa ilaahay cafis waydiistaan oo ay qirtaan kana toobad keenaan mooyaane, blasé aanu qofna ku badbaadeen amar khaldan baa la I siiyey.

Hogaamiyaha Weftigan khurubada ah Cabdi casiis Maxamed Diiriye ayaa sheegay in baadhitaankan aanay cid gaar ah uga dan lahayn, balse ay caalamka u bandhigayaan dhibaatadii dalka ka dhacday, isla markaana qof kasta oo ku jira xabaalahan loo heli lahaa eheladooddii,   si wanaagsan oo diintu ogoshahayna loogu aasi lahaa si loo siiyo xaqii diinta siisay qofka dhinta.


Gudoomiyaha dabagalka Xasuuqan Khadar like, ayaa isna sheegay in goobtan ay maanta bilaabeen baadhitaankeeda dadkan lagu laayey sanadkii 1984kii, isla markaana ay ahaayeen dad shacab ah oo magaaladda laga soo ururiyey.

Guddidan dabagalka Xasuuqa Somaliland oo diiwaangelisay xabaalo-wadareedyadan iyagoo  kaashanaya khuburo kale oo dalal badan oo aduunka ah oo xasuuqani oo kale ka dhacay baadhay, ayaa sheegay in magaalooyin badan ka heleen xabaalahan, waxaana ka mid ahaa magaalooyinka ay ka heleen xabaalahan: Magaaladda Hargeysa 200 oo xabaalo wadareed, Berbera 12 xabaalood, Burco 8 xabaalood, Sheekh hal xabaal ah, Ceerigaabo laba xabaalood, Gabiley laba Xabaalood, Arabsiyo hal xabaalood, taas oo xabaasha ay ugu yar tahay ku jiraan 12 qof oo hal goob ah lagu duugay.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland