4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Marakiib dagaal oo duqeeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.

Gantaallada ay soo tuureen Maraakiibta ayaa intoodii badnayd ku dhacay dhul bannaan, waxaana wararku ay sheegeen in mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay Dekadda Kismaayo iyadoona la sheegay in burbur uu gaarsiiyay mid kamid ah dhismayaasha ku yaal marsadda magaalada Kismaayo.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa HOL u sheegay in Marakiibtani oo ku sugnaa duleedka dekedda caalamiga ah ee Kismaayo ay dhowr gantaal kusoo tuureen magaalada, kuwaasoo ku dhacay xeebta Calanleey.

Ilaa imika lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen duqeymahaasi, waxaana xiriiro kala duwan oo aan la sameynay dad goobjoogayaal ah ay inoo xaqijiyeen in duqeymaha ay ku dhaceen dhul bannaan oo ku yaal xeebta xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo.

Maraakiibtan oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa aalaaba si kafiirsasho la'aan ah gantaallo ugu soo tuura gudaha magaalada, iyadoona duqeymahaasi ay inta badan sababaan khasaarooyin soo gaara dad rayid ah.

Shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayaa walaac ka muujiyay Duqeymaha ay dowladda Kenya ka geysato gobollada Jubooyinka, kuwaasoo aalaaba ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayso Xarakada  Al-shabaab.

Maraakiibtan duqeymaha ka geystay Kismayo ayaa kusoo beegmaya xilli diyaarado nooca dagaalka ay shalay gantaallo la dhaceen garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, walow aan ilaa imika la garanayn khasaaraha ka dhashay duqeynmahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya