4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo billaabay inay la Wareegaan Amniga Baladweyne
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay horay saldhigyo ugu lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.


Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in talaabadan ay kula wareegeen sugida amniga xaafadda Howl-wadaag tahay mid qeyb ka ah howlgalka ay u socdaan oo ah in ay la wareegaan guud ahaan amiga magaalada Baladweyne oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Col. Cismaan Dubad oo ah taliyaha horkacaya ciidamada dowladda Jabuuti ee ka tirsan howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay maamulka gobollka gacan siin lahaayeen sugida nabad-galyada, waxaana uu sheegay in si tirtiib-tartiib ah ula wareegi doonaan dhamaan saldhigyada ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Itoobiya.

"Amniga waxaan iska kaashan doonaa ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee hadda  ku sugan magaalada Baladweyne, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan nabad-galyada," ayuu yiri Col. Dubad.

Saraakiisha Midowgga Africa ayaa horay u sheegay in dhamaan qeybaha dalka ay hadda ka joogaan ciidamada Itoobiya lagu wareejin doono ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada dowladda Itoobiya howlgalkooda ku sii balaariyaan qeybaha dalka ee wali ku sii harsan gacanta Xarrakada Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay imaashaha ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, waxaana marka aad la sheekeysato dadka intooda badan kuu sheegayaan in ugu yaraan ciidamadani yihiin kuwo ay isku fahmi karaan dhinaca luuqada, madaama ay ku hadllayaan afka Soomaaliga.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay magaalada Baladweyne gaareen cutubyo ka mid ah ciidamada dalka Jabuuti ee ka mid ah howlgalka AMISOM kuwaasoo ku qalabeysan sanaad militari oo ay ka mid ahaayeen gadiidka dagaallka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya