4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Jimco, September 21, 2012(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xuquuqda aadanaha ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay qaraxii lagu halaagmay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta oo la soo gaariiyay HOL uu u qornaa sidan:

 

“Xarunta Dr. Ismaaciil jumaale ee Xuquuqda Aadamaha waxay cambaareyn kulul dusha uga tuureysaa kuwa ka dambeeya xasuuqa waxashnimada ah ee lagu laayey Mas’uuliyiin soomaaliyeed ooy ka mid ahaayeen suxuufiyiinta kal ah; Marxuum Aggaasimihii Idaacada VOD “Raadiyo Xamar” Cabdiraxmaan Yaasiin Cali, Marxuum Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa Weriyeyaasha iyo TV-ga Radio Muqdisho ahaana madaxii wararka iyo telifishinka qaranka iyo Marxuum Cabdisataar Daahir Sabriye oo isna ahaa madaxii Barnaamijyada telefishinka Qaranka ee radio Muqdisho. Weriyeyaasha ku dhaawacmay ayaa iyana waxaa ka mid ahaa; Cabdullahi Maxmed Cali, Nuure Maxamed Cali iyo Clrisaq Maxamed farax “shiino”,Maxamed Xuseen Gentleman iyo Clkariin Guutaale oo dhamaan ka kala tirsanaa weriyeyaasha ka hawlgala  idaacadaha maxaliga ah ee Kulmiye iyo Raadiyo Muqdisho.

 

 Mashaqo iyo murugo  tiiraanyo leh oo ka dhacday Muqdisho 20-ka September 2012

 

Mashaqadan naxdinta leh ayaa waxay ka dhacday maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala dhismaha gurigii hooyooyinka “Baar Village” ee ka soo horjeeda National Theatre ee Magaalada Muqdisho, taariiqdu Markey aheyd 20/09/2012, waxaana halkaasi goor maqrib ah isku qarxiyey laba ruux oo dhalinyaro ah, iyadoo ay meeshaas buuxeen weriyaal iyo qaar ka tirsan xildhibaano iyo dad kale oo rayid ah eek u sugnaa agagaarka qaraxu ka dhacay. Sida la xaqiijinayo waxaa soo baxaya iney tirade dhimashada ay sii kordheyso, ilaa iyo hadana la og yahay iney ku geeriyoodeen in ka badan 17-ruux, halka tiro kale oo gaareysa 40-tameeyo ay ku dhaawacmeen.

 

Xarunta Dr. Ismail Jumale ee Xuquuqda Aadamaha iyadoo la qeybsaneysa dhamaan ehelada, qaraabada iyo asxaabtii ku geeriyootay mashaqadaas ayey tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhamaan shacabka soomaaliyeed eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen “Alla u naxariisto Samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo” .

 

Falalkan argagaxa leh ee lagu laaynayo bulshada inteeda ugu nugul ayaa  xadgudub ku ah dhamaan qawaaniinta caalamiga ah ee leyla aqoonsan yahay, shareecada islaamka iyo xeerarka soo jireenka ah ee Biri-ma-geydada.

 

Waxaan meesha ka maqneyn iney imaan doonto maalin lagu xisaabiyo sharciga hortiisa, waana iney ogaadaan kuwa geysanaya xadgudubyada dhanka ka ah bani’aadanimada.

 

Xaruntu waxay u soo jeedineysaa Maamulka Dawladda federaalka soomaaliyeed qeybaheeda qaabilsan sugida amniga shacabka soomaaliyed  iney layimaadaan mas’uuliyad haboon ooy ku sugayaan kuna damaanad qaadayaan  dhamaan amniga shacabka soomaaliyeed ee muddada dhawrka iyo labaatanka sano ka badan ku soo jiray duruufo adag oo lagu waxyeeleynayo xuquuqahooda aasaasiga ah”.

 

INAA LILAAHI WA-INAA ILEEYHI RAAJICUUN

 

GUDDOOMIYAHA XARUNTA

Marwo Maryam Xuseen Awreeye