3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Fannaankii Weynaa ee Soomaaliyeed Faysal Cumar Mushteeg oo saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Somaliland
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Alle ha u naxariistee fannaankii weynaa ee Faysal Cumar Mushteek ayaa xalay goor dambe ku geeriyooday jidka isku xidha  Magaalada Hargeysa iyo Berbera dhexdoodda oo la doonayey in dhakhtar dibadeed loo diro.

Marxuum Faysal Cumar Mushteek ayaa  toddobaadkii u dambeeyey xanuunsanayey, waxaana shalay ahaaan la doonayey in loo qaado Addis ababa si uu uga qaata fiisaha dal ku galka ingiriiska, haseyeeshee nasiibka ma gaadhsiin ka dib markii xanuunku ku sii siyaaday, diyaaradii uu raaci lahaana baaqatay ayaa dib looga soo celiyey magaaladda Berbera, waxaanu ku geeriyooday dhexda wadadda u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, isagoo loo soo waddo magaaladda Hargeysa.

Faysal Cumar Mushteek ayaa ka mid ahaa foolaadka fanka soomaaliyeed, waxaanu nusqarnigii u dambeeyey ku jiray hawlaha fanka, isagoo lahaa heeso badan oo u badan qaraami,aadna loo jeclaa oo aan ilaa hadda isbedelin oo wakhti walba la jaan qaadaya.

Fanaanku waxa uu fanka ka hor ahaa macalin, gobolo badan oo Soomaaliyana wax ka dhigay, waayadii dambena dhexgalay Moojadda fanka si weyna loogu bartay fanka iyo heesaha kala duwan, taariikh badana ku lahaa fanka soomaalida, isagoo ilaa lixdaamaadkii ku soo jiray, kana mid ahaa raggii fanka casriga ahaa ee soomaalidda aasaasay.

 Alla ha u naxariistee,  Faysal Cumar Mushteek heesihiisa kuwa caanka ah waxa ka mid ahaa heesta la yidhaa lacageey, ( lacagay lacagay dadka kala labeeyaan, liitaha gargaaraa, laqan hoos u celiyaay, Haween lahaanshadooddaay ).

Marxuumka ilaahay waxaanu u baryeynaa inuu janaddu fardawsa geeyo, Qabrigana naacow udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
9/21/2012 8:50 AM EST
Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogtay wariye Xassan Yuusuf Absuge oo kamid ahaa warfidiyeenka ka hawlgala magaalada Muqdisho.

9/21/2012 6:16 AM EST
Jimco, September 21, 2012(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xuquuqda aadanaha ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay qaraxii lagu halaagmay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta oo la soo gaariiyay HOL uu u qornaa sidan:

9/21/2012 4:46 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Warieyaashii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, iyadoo tani ay ka dhigayso tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya 12-wariye oo intooda badan ku dhintay Muqdisho.

9/21/2012 4:24 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka, kuwaasoo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/21/2012 4:15 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan.

9/21/2012 4:13 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa aad u sii kordhay, iyadoo tiradu ay haadda marayso 22-qof oo shacab u badnaa, iyadoo aysan weli ka hadlin weerarkan Xarakada Al-shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay.