4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Faahfaahin ku saabsan qarax caawa fiidkii Muqdisho ka dhacay

Khamiis, September 20, 2012(HOL): Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Baar Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii haweenka iyo tiyaatarkii Muqdisho.

Qaraxan oo ay geysteen labo ruux oo ismiidaamiyay ayaa waxaa ku dhintay 17 ruux, 30  ruux in ka badanna waa ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxaa ku jiray wariyayaal caan ah oo qaarkood u shaqeynayeen TV-yo iyo Idaacado Muqdisho ku yaalla.

Wariyayaasha dhintay ayaa waxaa ka mid ah Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye oo u shaqeynayay TV-ga Qaranka ee SNTV iyo C/raxmaan Yaasiin Cali oo isna Agaasime iyo wariye ka ahaa Idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.

Wariyayaasha Qaraxa ku dhaawacmay oo tiradooda 8 ruux la iigu sheegay ayaan shan ka mid ah magacyadooda helnay, waxaana ka mid ah  C/qaadir Axmed Timoos oo Radio Muqdisho u shaqeynayay, Maxamed Bishaar oo Radio Mustaqbal u shaqeynayay, Maxamed Xuseen Gentleman oo Radio Muqdisho u shaqeynayay, C/kariin Guutaale Radio VOD,  C/llaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo radio Kulmiye u shaqeynayay.

Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa sababta kordhisay lagu sheegay iyadoo mid ka mid ah labada ruux ee isqarxiyay uu dadka isku dhex qarxiyay, halka mid kalena uu isqarxiyay markii intii ka badbaadday qaraxii hore ay u carareen dhankiisa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxay ahayd Maqaaxi ay inta badan ku kulmaan wariyayaasha iyo shaqaalaha dowladda iyo dad rayid ah, waxayna ahayd meel galabtii loo sheeko iyo shaah tago.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxan ku eedeeyay xarrakadda Al-shabaab laakin ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Xarrakada Al-shabaab oo ku saabsan in ay iyadu qaraxan ka dambeysay.

Qaraxan oo ah midkii ugu qasaaraha badnaa ee goob kaliya ka dhaca tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho madaafiic lagu garaacay, kuwaasi oo waxyeello u geystay dad rayid ah. Sidoo kalena qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore qarax lala beegsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud xilli uu kulan la lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Sam Ongeri.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]