3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Dad badan oo ay ku jiraan wariyayaal caan ah oo ku dhintay qaraxii ka dhacay guriga hooyooyinka
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay, 45 kalana waa ku dhaawacmeen markii ay labo naftii hure beegsadeen dad rayid ah oo fadhiyay maqaayad ku taalla guriga hooyooyinka.

Dadka ku dhintay waxaa ku jira weriyayaal caan ah oo uu ka mid yahay C/sataar Daahir Sabriye oo kasoo shaqeeyay qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida, hadana ka tirsanaa taleefishinka qaranka,C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimihii idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho iyo Liibaan Cali Nuur oo ahaa Wariye ka tirsanaa idaacadda Radio Muqdisho.

Waxaa kaloo dadka dhaawaca ah ku jira 7 wariye oo qaarkood uu dhaawacoodu culusyahay.

Weerarkan ayay boolisku sheegeen inay fuliyeen labo qof oo isa soo miidaamiyay, halka mid kale oo bumbooyin isku soo xiray uu fakaday isagoon qarxin.

Wadooyinka magaalada intooda badan ayaa xiran, waxayna boolisku wadaan baaritaan ay ku samaynayaan dadka iyo gaariyaasha.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya













Click here
9/20/2012 4:06 PM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL): Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Baar Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii haweenka iyo tiyaatarkii Muqdisho.

9/20/2012 12:07 PM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL): Labo qarax oo ay geysteen labo ruux oo naftooda halligay ayaa waxay goor dhaweyd ka dhaceen Baar lagu magacaabo Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

9/20/2012 11:18 AM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL):Allaah ha u naxariistee waxaa shil baabuur ku geeriyoodey hooyo iyo aabe Soomaaliyeed halka wiilkooda oo laba sano jir ah iyo ninkii wadayna ay ku dhaawacmeen.

9/20/2012 8:22 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dajirayaal ka socday 14 dal oo isugu jira Yurub iyo Mareykanka, isagoo sharraxaad ka siiyay howlaha u qorsheysan dowladda cusub ee Soomaaliya.

9/20/2012 7:40 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ururadda iyo xisbiyada qaarkood ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn uga qaylinayey labadda xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiiiladda Somaliland, kuwaas oo kala ah gudoomiyah Golaha Wakiiladda iyo gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani, kana dalbaday inuu labadda mid iska casilo, lana mid noqdo ururadda kale.

9/20/2012 7:30 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo magaalo kale oo muhiim ah ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab, taasoo ay sheegeen inay ku dhow dahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

9/20/2012 6:26 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Dibadbax xooggan ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay magalaada Kismaayo kaasoo looga soo horjeedo duulaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Kismaayo islamarkaasina lagu taageerayay Xarakada Al-shabaab.

9/20/2012 6:15 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Kaddib is-rasaaseyn khasaare sababtay oo xalay fiidkii ku dhaxmartay xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Baladweyne ciidamo ka wada tirsan maamulka gobollka Hiiraan, ayaa waxaa arintaa ka warbixiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

9/20/2012 2:56 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku gudo-jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu ra'iisul wasaaraha Soomaailya u soo magacaabi, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo isku taagan xilkan iyo kuwo ay iyagu dalbadeen inay soo gubiyaan aqoonsiyadooda waxbarasho iyo shaqo.

9/20/2012 2:31 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa ku dhintay hoobiyeyaal xalay lagu duqeeyay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ee gobolka Banaadir, waxaana duqeymahan ku dhaawacmay in ka badan 16-qof oo kale.