4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Khilaaf ka dhashay isku-haynta xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADANI
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ururadda iyo xisbiyada qaarkood ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn uga qaylinayey labadda xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiiiladda Somaliland, kuwaas oo kala ah gudoomiyah Golaha Wakiiladda iyo gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani, kana dalbaday inuu labadda mid iska casilo, lana mid noqdo ururadda kale.

Xisbiyadda qaar iyo ururadda siyaasadda ayaa si adag uga hadlay inay sharci daro tahay in ay la tartamaan gudoomiyaha ururka Wadani oo adeegsanaya awoodii golaha Wakiiladda, sidaa darteed, aanay yeelayn in labadaas xil uu isku hayo.

Haseyeeshee, kulan ay ururada iyo xisbiyadu ku lahayeen maanta magaaladda Hargeysa oo ay kaga hadlayaan labadda xil ee gudoomiye C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro isku hayo iyo muraaqibiiinta ururadda oo guddida Doorashooyinka u sheegeen inay iska bixinayaan kharashkooda, maadaama oo qaadhaan bixiyeyaashii bixin jirtay kharashka muraaqibiinta ay sheegeen in aanay bixin karin, taas oo ururaddanu tilmaameen in aanay awoodi karin inay muraaqibiinta kharashkoodda bixiyaan.

Kulankii ururadda iyo xisbiyada ayaa waxa hadheeyey khilaafka gudoomiyaha Wakiiladda uu labadda xil isku hayo, waxaana la sheegay in ay isku afgaran waayeen shirkoodaa, waxaase u balameen mar kale inay iskugu yimaadeen.

Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Guray ayaa si weyn u weeraray gudoomiye C/raxmaan Cirro labada xil ee uu isku hayo, waxaanu sheegay inay xukuumadda Somaliland ay wadato ururka Wadani, isla markaana aanay ka yeeleyn inuu la tartamo gudoomiyaha Ururka WADANI ahna gudoomiyaha Wakiiiladda.

Sidoo kale, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda ayaa difaacay inuu labadaas xil isku hayn karo gudoomiye C/raxmaan Cirro, isla markaana sharci u diidayaa aanu jirin.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ka dhashay labada xil ee uu isku hayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha ururka WADANI C/raxmaan Cirro ayaa isa soo taraya, iyagoo qaarkoodna ku eedeynayaan inuu gudoomiyuhu adeegsanayo hantidii golaha wakiiladda iyo awooddii golaha.

Sidoo kale, waxa inta badan xildhibaanadda golaha wakiiladda lagu tiriyaa inay kala taageersan yihiin xisbiga kulmiye iyo Ururka WADANI, taas oo inta badan xukuumadda lagu eedeeyo inay gacan saar la leedahay ururkan WADANI.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland