3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
AMSIOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay qabsadeen Magaalo kale oo ku dhow Kismaayo
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo magaalo kale oo muhiim ah ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab, taasoo ay sheegeen inay ku dhow dahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Afhayeenka Milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay Arbacadii shalay qabsadeen deegaanka Jannaay Cabdalla oo 50-km u jira Kismaayo, isagoo sheegay inay tani fursad weyn u siinayso inay qabsadaan Kismaayo.

"Howlgal ay si wadajir ah shalay gallinkii dambe u qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliyeed ayay ku qabsadeen deegaanka Jannaay Cabdalla. Tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay howgalka, sidoo kalena waxaa looga furtay hub fara badan," ayuu yiri Col. Oguna oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi.

Sarkaalku wuxuu sheegay in howgalkaas ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen laba ka mid ah ciidamada Kenya iyo shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo uu sheegay in dhaawacyadooda loo qaaday deegaanka Dhoobley.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa tan iyo shalay ku qulqulayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo saraakiishooda, kuwaasoo u sheegay warbaahinta inay difaaci doonaan magaaladaas oo ah midda ug weyn ee ku taalla Koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan.

Qaramada Midoobay ayaa saraakiisha Kenya ku boorrisay in la yareeyo khasaaraha shacabka kasoo gaari kara dagaallada, kaddib kulan uu shalay Nairobi kula yeeshay wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji iyo taliyaha ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi.

"Waxaan soo dhaweynayaa ballanqaadyada Kenya ay bixisay, waxaana dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay ku dadaalaan sidii loo yareyn lahaa khasaaraha kasoo gaara shacabka dagaallada, loona ogolaado shacabka in la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin," ayuu yiri Mark Bowden.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay in xoogaggooda iyo kuwa kasoo horjeeda ay isku horfadhiyaan meel 70-km ka baxsan magaalada Kismaayo oo ay weli gacanta ku hayaan.

"Waxaan ballanqaadaynaa in AMISOM aysan cidna waxyeello u geysanayan, sidoo kalena ay ka shaqeynayso sidii ay u xoreyn lahayd dadka Kismaayo, si ay awood ugu yeeshaan inay nabad iyo hoggaan wanaagsan helaan," ayuu Jen. Karanja ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.

Dhanka kale, saraakiisha AMISOM ayaa waxay ugu baaqeen dagaalyahannada ku sugan Kismaayo inay hubka dhigaan. Balse ma aysan sheegin cid gaar ah oo ay u jeedinayaan baaqan.

Ma'suuliyiin u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Kismaayo oo la qabsado uu ka horeeyo dhiig badan oo daatan, waxaana Al-shabaab ay adkeynayaan waqtigan awoodda ay ku leeyihiin Kismaayo si ay isugu dayaan inay difaacdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/20/2012 4:06 PM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL): Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Baar Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii haweenka iyo tiyaatarkii Muqdisho.

9/20/2012 1:50 PM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay, 45 kalana waa ku dhaawacmeen markii ay labo naftii hure beegsadeen dad rayid ah oo fadhiyay maqaayad ku taalla guriga hooyooyinka.

9/20/2012 12:07 PM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL): Labo qarax oo ay geysteen labo ruux oo naftooda halligay ayaa waxay goor dhaweyd ka dhaceen Baar lagu magacaabo Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

9/20/2012 11:18 AM EST
Khamiis, September 20, 2012(HOL):Allaah ha u naxariistee waxaa shil baabuur ku geeriyoodey hooyo iyo aabe Soomaaliyeed halka wiilkooda oo laba sano jir ah iyo ninkii wadayna ay ku dhaawacmeen.

9/20/2012 8:22 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dajirayaal ka socday 14 dal oo isugu jira Yurub iyo Mareykanka, isagoo sharraxaad ka siiyay howlaha u qorsheysan dowladda cusub ee Soomaaliya.

9/20/2012 7:40 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ururadda iyo xisbiyada qaarkood ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn uga qaylinayey labadda xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiiiladda Somaliland, kuwaas oo kala ah gudoomiyah Golaha Wakiiladda iyo gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani, kana dalbaday inuu labadda mid iska casilo, lana mid noqdo ururadda kale.

9/20/2012 6:26 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Dibadbax xooggan ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay magalaada Kismaayo kaasoo looga soo horjeedo duulaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Kismaayo islamarkaasina lagu taageerayay Xarakada Al-shabaab.

9/20/2012 6:15 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Kaddib is-rasaaseyn khasaare sababtay oo xalay fiidkii ku dhaxmartay xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Baladweyne ciidamo ka wada tirsan maamulka gobollka Hiiraan, ayaa waxaa arintaa ka warbixiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

9/20/2012 2:56 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku gudo-jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu ra'iisul wasaaraha Soomaailya u soo magacaabi, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo isku taagan xilkan iyo kuwo ay iyagu dalbadeen inay soo gubiyaan aqoonsiyadooda waxbarasho iyo shaqo.

9/20/2012 2:31 AM EST
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa ku dhintay hoobiyeyaal xalay lagu duqeeyay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ee gobolka Banaadir, waxaana duqeymahan ku dhaawacmay in ka badan 16-qof oo kale.