3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Ciidamada Dowladda Soomnaaliya iyo kuwa dalka Kenya oo la Wareegay Deegaanka Birta Dheer iyo Kismaayo oo Haawaneysa

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Birta Dheer oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo kadib dagaallo faraha looga gubtay oo ay Al-shabaab kula galeen inta u dhexeysa deegaanada Birta Dheer Qalaawile ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya Max'ed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanka Birta dheer, isagoona xusay in  Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin lixaad islamarkaasina ay ka talaabeen difaacoodii ugu xooganaa ee Jubooyinka.

Saraakiisha dowladda ee Jubooyinka ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay khasaaro xooggan ugu geysteen Al-shabaab, waxayna sheegeen in dhankooda ay uga dhinteen afar qof.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo ka hadlay dagaalkii shalay mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii shalay ku dagaalamay deegaanka Birta Dheer ee Gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale, wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba isaga huleeleen magaaladaasi, iyadoona lagu soo waramayaa in ay fasaxeen maxaabiistee ku xirnayd xabsiga dhexe ee degmadaasi.

"Ciidamadii magaalada joogay waa ka baxeen, saaka ayaa kuwii ugu danbeeyay ay baxeen, magaaladu waa cidlo," sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan Kismaayo oo HOL u waramay isagoo codsaday in magaciisa aan la xigan.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya halka ay qabteen xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa Kismaayo, warar qaar ayaa sheegaya in ay aadeen dhanka goobaha la isku horfadhiyo, halka warar kalena ay sheegayaan in ay qabteen dhanka Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Xaaladda gobollka Jubada hoose ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana ay cabsi lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran, waxaana laga cabsi qabaa in markale ay dagaallo ka qarxaan deegaanada ku yaal duleedka Kismaayo oo ay weli isku horfadhiyaan dhinacayada isaga soo horjeeda Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
9/17/2012 11:53 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo loo dhisayo xarun lagu daryeelayo Caruurta agoomaha ee Somaliland.

9/17/2012 11:52 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyey xubno cusub oo dhowaan uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kusoo daray golaha wasiirada. Mas’uuliyiintan oo ay tiradoodu 6 tahay ayaa isugu jira 2 wasiir iyo 4 wasiir ku-xigeen.

9/17/2012 11:51 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Taliska ciidamada Booliska ee Puntland ayaa ka warbixiyey sida uu xiligan yahay ammaanka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

9/17/2012 3:33 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Gabar Soomaali ah oo lahayd uur sagaal bilood ah ayaa lagu dilay magaalada Port Elezaberth ee dalka Koonfur Africa kaddib markii kooxo huubeysan ay u galeen guriga ay ka degenayd magaaladaas.

9/17/2012 3:31 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Zakariye Maxamed Maxamuud kaddib markii ay ku weerareen maqaayad uu ka casheynayay.

9/17/2012 3:13 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Midowga Afria ee AMISOM, Jen. Adrew Gutti ayaa raalli-gelin ka bixiyay shil uu mid ka mid ah gaadiidkooda ku dilay wiil dhallinyaro ah shalay oo Axad ahayd, xilli ay socotay munaasabad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

9/17/2012 2:51 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno u dhexeeya magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.