8/8/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Madaxweynaha cusub oo la wareegay hogaanka dalka, kadib xaflad taariikhi ah oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
Xaflad.jpg

Axad, September 16, 2012 (HOL) - Xaflad taariikhi ah oo ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolka iyo wufuud ka socota caalamka oo lagu maamuusayay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xafladan oo si toos ah looga daawanayay taleefishinka qaranka iyo qaar kamid taleefishinada kale ee Soomaaliya ayaa ahayd mid taariikhi ah oo sare u qaaday rajada ay Soomaali badani ka qabaan dhisitaanka qaran adag oo taladiisa ay si dimuqraadi ah ula kala wareegi karaan hogaamiyayaasha lasoo doorto.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah gacanta uga galiyay talada dalka hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya ay yeelatay.

“Madaxnimo haday micno samaynayso waa i soo martay, intaan u soo qaban karana dalkayga waan u soo qabtay” ayuu yiri madaxweynihii hore.

“Waxaan ku faraxsanahay in la iga guulaystay, waayo shacabka Soomaaliyeed ma ogayn go’aanka aan qaadan doono hadii la iga guulaysto, hadase waa ogaadeen, waana ku qanceen” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu dhisi doono dawlad wanaagsan oo nabad ay ku wada noolyihiin shacabkeedu,nabadna kula noolaata wadamada dariska ah iyo caalamkaba.

Xaflad7.jpg

“Wax kasta oo dadka kala qaybinaya waa ka dheeraan doonaa, waxkasta oo midnimo abuurayana waa ku dadaali doonaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si wayn loogu sacab tumay markii uu hadalka bilaabay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

“Mudane madaxweyne Jabuuti xukuumadeedu, shacabkeedu iyo hantideeduba adiga ayay taageero kuuyihiin” ayuu yiri Geelle oo ahaa madaxweynaha kaliya ee ka socday caalamka ee yimid xaflada.

Hogaamiyayaasha kale ee caalamka ka socday ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Uganda, Kaaliyaha madaxweynaha Sudan iyo wufuud kale.

Xaflad2.jpg
Xaflad5.jpg
Xaflad6.jpg
Xaflad9.jpg
Xaflad8.jpg
Xaflad4.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya













Click here
9/16/2012 8:58 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Taliska booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta uga warbixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyne.

9/16/2012 8:20 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynimo ee dalka ayaa sheegay in dowladda uu dhisayo ay xoogga saari doonto lix qodob oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin xasilinta dalka, dib u dhiska dhaqaalaha, soo celinta sharciga iyo adkeynta midnimada Soomaaliya.

9/16/2012 8:14 AM EST
Axad, September 16, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa waxaa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya oo hadda helay dowlad buuxda oo aan KMG ahayn.

9/16/2012 7:34 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Dab xooggan islamarkaasina sababay khasaaro hantiyadeed ayaa maanta duhurkii waxa uu ka kacay suuqa weyn ee shidaalka lagu iibiyo ee loo yaqaan Umbultooriyo, iyadoona dabku sababay burbur soo gaaray qaar kamid ah goobo ganacsi oo ku yaalla halka uu dabka ka kacay.

9/16/2012 7:21 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka baxday KMG ay u gudubto xilli ay talinayso dowlad joogto ah.

9/16/2012 5:28 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay ka taaganyihiin nawaaxiga deegaanka Birta-dheer halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya.

9/16/2012 3:30 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Wufuud ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee aan weli la dhaarin, Haile Mariam Desaleng, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag iyo madaxweyne ku xigeenka Suudaan, Maxamed Cismaan Daaha ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka loo sameynayo madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka socota.

9/16/2012 3:01 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsan ee Soomaalida ah inay kusoo biiraan hannaanka nabadeed ee dalka, kuwa ajnabiga ahna ay isaga baxaan dalka, isagoo sheegay in ciddii intaas diidda ay dowladdiisu la dagaalami doonto.

9/16/2012 2:56 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Diyaargarowga xafladda lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga socota Muqdisho, iyadoo la xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sidoo kalena la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo ardayda.