4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilalka siyaabaha kala duwan uga dhaca Baladweyne
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Taliska booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta uga warbixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyne.

Taliyaha saldhiga baliiska gobollka Cali Dhuux Cabdi Mahad ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah siyaabo kala duwan loogu dillay magaalada saacadihii aynu soo dhaafnay, isaga oo sheegay in ciidamada nabad-galyada gacanta ku hayaan raggii dilalkaasi geystay.

"Waxaa ay ahaayeen runtii labo fal oo naxdin leh, dadka dhintay ee la dillay waxaa ay ahaayeen dad rayid ah, aad ayaan uga xunnahay sida ay wax u dhaceen, durbadiiba ciidamada nabad-galyada howlgal ayeey bilaabeen, waxana u suurta-gashay in markii gacanta lagu dhigo raggii dilka geystay,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga baliiska gobollka.

Bulshada ku dhaqan degmada ayuu ugu baaqay taliyaha baliiska  in ay xaalada dajiyaan, madaama ciidamada nabad-galyada ku howlan yihiin sidii falalkaasi dhacay loo waafajin lahaa sharciga, isaga oo ku booriyay shacabka in laga fogaado wax kasta oo sii xumeyn kara amniga degmada.

Galinkii danbe ee maalintii shalay ayeey aheyd markii siyaaabo kala duwan gudaha degmada Baladweyne loogu dillay dad rayid ah, kuwaasoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay dilkooda, walow saraakiisha maamulku ay sheegeen in uu socdo baaritaan arintaa ku saabsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya