4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo si rasmi ah u wareejiya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka baxday KMG ay u gudubto xilli ay talinayso dowlad joogto ah.


Shariif Sheekh ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo habalyo gaar ah u diray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inaan la'aantood la gaari lahayn in maanta la qabto munaasabadda caleemo-saarka ah.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay madaxweynaha cusub iyo dowladda uu soo dhisi doono la shaqeeyaan. Waayo waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo si howlaha dhiman lagu dhameystiro," ayuu yiri Shariif oo intaas ku daray in haddii aan lawada shaqeyn aan la dhameystiri karin howlaha harsan.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo maanta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo uga digay shacabka inay ka horyimaadaan dowladda la dhisayo.

"Howlaha dowladda waa kuwo marxalad billow ah ku jira oo u baahan dhameystir, waxaana ka codsanayaa shacabka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii howlahaas lagu dhameystiri lahaa," ayuu yiri Shariif Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dalka soo xukumayay muddo saddex sano iyo bar ah ayaa ku wareejiyay dukumiintiyadii uu ku shaqeynayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu hambalyeeyay howl wanaagsan.

Munaasabaddan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo lagu qabto Soomaaliya tan iyo markii ay xorowday Soomaaliya sannadkii 1960-kii oo ay laba madaxweyne xilalka ku kala wareegaan, kuwaasoo ku tartamay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya