4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay ka taaganyihiin nawaaxiga deegaanka Birta-dheer halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya.

Warar xog ogaal ah oo aan ka heleyno jiida hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidamamada huwanta ah oo shalay duullaan xooggan ku qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka birta Dheer ay la kulmeen iska-caabin aad u xooggan oo kaga timid dhanka Al-shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah usuurogeliweysay in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Birta Dheer.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid xooggan islamarkaasina saacado badan qaatay ayaa lagu soo waramayaa in uu sabababay dhimashada shan qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah iyo dhaawac intaa ka badan.

Saraakiil u hadashay dhinacyadii dagaalamay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay, iyadoona dhinac walba uu sheegay in uu qasaare u geystay dhanka kale.

Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ay ka go’antahay kahortagga weerarrada ay ciidamada huwanta ah ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo, waxaana gobollada Jubooyinka mudooyinkii ugu danbeeyay kasocday abaabullo ciidan oo ay xoogagga Al-shabaab ciidamo dheeri ah ugu dirayeen furumaha dagaalka ee gobolka Jubada Hoose.

Xaaladda deegaanka Birta dheer ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay tahay mid kacsan, waxaana suurogal ah in uu markale halkaasi ka qarxo dagaal xooggan oo dhexmara dhinacayada ishorfadhiya.

Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa marar badan ku hanjabay in ay gacanta ku dhigi doonaan magaalada Kismaayo oo la aaminsanyahay in ay tahay isha ugu weyn ee ay xoogagga Al-shabaab dhaqaalaha ka helaan, haseyeeshee ilaa imika waxa u suurogeli la’ in ay ka ka gudbaan difaacyada ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya