4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Diyaar-garowga Xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyay
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Diyaargarowga xafladda lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga socota Muqdisho, iyadoo la xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sidoo kalena la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo ardayda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah aammaankeeda u adkeeyay ciidammo ka tisran kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana si gaar ah loo adkeeyay ammaanka dugsiga tababarka booliiska halkaasoo ay ka dhacayso xafladda caleemo-saarka madaxweynaha.

Wufuud kala duwan oo ka socota caalamka ayaa kasoo qaybgalaya caleemo-saarka waxaana ka mid ah madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle iyo xubno kale oo caalami ah.

"Howlaha garoonka diyaaradaha waa la joojiyay, waxaana loo ogol yahay  oo keliya inay kasoo dagaan diyaaradaha wada wufuudka caalamiga ah," ayuu yiri maareeya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Cali Maxamuud Ibraahim oo saakay la hadlay saxaafadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyaya fuduudda caalamka ka socda ee xafladda caleemo-saarkiisa ka qayb-galaya, waxaana wararka hoose ay sheegayaan in wufuudda caleemo-saarka ka qaybgalaya ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni iyo ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Itoobiya, Haile Mariam Desaleng.

Xafladdan calaamo-saarka ah ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo dalka ka dhacda kaddib sannadkii 1967-dii markaasoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii doorashada kaga adkaaday, C/rashiid Cali Sharma'arke.

Shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo ardaydii wax-ka-baranayay jaamacadaha iyo iskuullada Muqdisho ayaa loo fasaxay munaasabaddan awgeed, iyadoo marka uu la wareego madaxweynaha wax laga sugayo ee ugu weyn ay tahay inuu magacaabo ra'iisul wasaaraha dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya