4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka ee gabdhaha lagu guuriyo iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen Haween ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo ururrada haweenka.

Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ee Center for Community Dialogue ayaa waxaa hadalo ka jeediyay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa degmooyinka gobolka Banaadir .

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo ugu hadalkii ugu horreysay ka jeedisay doodda ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan laga dhaxli karo guurka qasabka ee gabdhaha, iyadoo xustay inay keeni karto niyad xumo ku timaada gabadha guur aanay raali ka aheyn.

"Run ahaantii aragtidaas waxay tahay mid gabdhaha caqabad ku ah noloshooda, in maanta gabar aan guur aysan raali ka aheyn la guuriyo ama nin weyn oo waayeel ah lagu daro waa nasiib daro," ayay tiri Jawaahir Baarqab oo soo hadal qaadday in gabdhaha qaar ay kooxaha Al-Shabaab si qasab ugu guuriyaan ragga ajaaniibta ah.

Sidoo kale, Jawaahir waxay sheegtay in sababaha loogu guurinao gabdhaha ragga ajaaniibta ay ujeeddadeedu tahay in xidid looga dhigto ama gabaad ay ku helaan, taasoo xustay inay la mid tahay in berri dhurwaa ku korinayso gurigaaga.

Maryan Maxamed Jimcaale oo loo yaqaano (Maryan Jaceyl) oo iyaduna ka doodda hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in gabdhaha sida qasabka lagu guuriyo ay sababi karaan dhaqanka oo doorsooma, iyadoo tusaale ahaan u soo qaatay kuwa aan isku jinsiyadda ahayd inay ka dhalan karto dhaqan doorsoon ama dhaqan-xumo ka hor imaan kara dhaqankii suubbanaa ee Soomaalidu taqiin.



Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqa C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in haweenku ay hormuud u noqdaan bulshada, balse aanay dhibaato u horseedin, lagana hortago guurka khasabka ah ee gabadhaha.

Sidoo kale, waxaa ka hadashay munaasabada mid ka mid ah haweenkii ka socda degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Xaajiyo Aamino oo tilmaamtay gabdhaha ay niyad-jab xoog leh ka qaadaan guurka qasabka ah, bulshadana ay faquuq kala kulanto, waxayna intaa raacisay in waalidiinteeda ay gabadhu colaad u qaado.

Ka qeyb-galayaashii doodda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo dalad ay ku mideysan yihiin hooyooyinka lagu xad-gudbay ee gabadhahooda sida qasabka ah lagu guuriyay, si loola xisaabtamo dadka ka dambeeya in gabdhahooda xoog lagu guursado.

Ugu dambeyn, waxaa dood-cilmiyeedka soo xirtay, Sahro Maxamuud Amiin oo ah guddoomiyaha ururka haweenka CCD oo uga mahadcelisay ka qayb-galayaasha sida hufan ee ay aragtidooda isku weydaarsadeen, iyadoo balan qaaday in doodahan looga hadlayo guurka qasabka ee gabdhaha ay sii socon doonaan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya