4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2012
Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — War goor-dhow naga soo gaaray deegaanka Birta dheer ayaa sheegaya in nawaaxiga deegaankaasi uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa saaka bilowday kadib markii ciidamada huwanta ah oo shalay dagaal kula wareegay deegaanka Birta dheer ay weerar kusoo qadeen saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Qalaawile oo ku dhow deegaanka Birta Dheer.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid aad u xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale qeyb ka ah diyaarado nooca dagaalka ah oo ay leedahay dowladda Kenya.

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka, saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee Jubooyinka oo aan wax ka weydinay dagaalkana waxay inoo sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan.

Dhinaca kale deegaanka Birta dheer iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa lagu soo waramayaa in uu ka bilowday barakac xooggan, waxaana shacabkii ku dhaqnaa deegaanadaasi ay beegsanayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in barakacayaal kasoo cararay deegaanka Birta Dheer iyo deegaanada ku dhow dhow ay ilaa iyo shalay soo gaarayeen magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in magaalada iyo deegaanada ku xeeranba ay ka jirto cabsi aad u weyn oo laga qabo xiisadaha ka taagaan duleedka Kismaayo.

Wixii kusoo kordha dagaalladaasi wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbin doonaa Insh'allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya