8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2012
Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag la tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab  iyo hub ay siteen oo ay ka mid ahaayeen suumanka nooca isqarxinta loo isticmaalo, kuwaasoo laga soo qabtay guri  ku yaal xaafadda ay Soomaalidu degto ee Eastleigh ama Islii.

Howlgallo ay ciidamada booliska ka sameeyeen xaafadda Eastleigh ayay kusoo qabteen lix suun oo nooca isqarxinta ah, 12 Bambaano, afar qori nooca AK47-ka iyo rasaas, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen laba qof oo looga shakisanyahay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka booliska Kenya Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladani laga soo qabtay hubka ay iska kaashadeen sirdoonkooda iyo dadka rayidka ah.

“Waxay qorsheynayeen weerar weyn iyo burburin, waxaan gacanta ku dhignay lix suun oo nooca isqarxinta ah, rasaas badan, bambaanooyinka gacanta iyo laba nin oo laga shakisanyahay kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono,” ayuu yiri  Taliye kuxigeenka oo warbaahinta la hadlay.

Booliska ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan sideed nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxaha hubka lagu soo qabtay, kuwaasoo ay sheegeen in ay goobta ka baxsadeen kadib markii ay ka warheleen howlgallada ciidamada.

Qalabka isqarxinta loo isticmaalo ee ay boolisku heleen ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen mobile-lo, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in hadii qaraxyadan la isticmaali lahaa ay geysan lahaayeen khasaarooyin baaxad leh.

Taliye ku xigeenka Booliska Mr. Omati ayaa sheegay in hubka la qabtay ay leeyihiin Al-shabaab, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay ku mashquulsanyihiin sidii ay qaraxyo uga geysan lahaayeen Kenya, isagoona xusay in loo baahanyahay foojignaan dheeri ah.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan Booliska ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad ilaa 157 Bambaano kuwaasoo laga helay guri ku yaal xaafadda Nairobi, waxaana ay arintani muujineysaa qatarta ay dowladda Kenya ugu jirto in qaraxyo laga fuliya dalkeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
9/15/2012 9:49 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Guddiga madaxa-annaan ee la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa ka warbixiyay howl in muddo ah uu soo waday oo la xiriirta diiwaan-gelinta hantida Qaranka maadaama dalka uu ku jiro xilli kala guur ah.

9/15/2012 9:37 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed maanta oo Sabti ah inay muujiyaan caradooda ku aaddan filimkii lagu sameeyay Mareykanka ee lagu Nebi Muxamed (NNKH) iyo diinta Islaamka lagu afla-gaadeeyay.

9/15/2012 9:22 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay kula yeeshay xafiiskiisa madaxtooyada wafdi ka socday Qaramada Midoobay, kuwaasoo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Antinomy Burneury.

9/15/2012 8:50 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka ee gabdhaha lagu guuriyo iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen Haween ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo ururrada haweenka.

9/15/2012 8:39 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay 637 arday ka qalinjabiyeen jaamacadda Hargeysa.

9/15/2012 7:31 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — War goor-dhow naga soo gaaray deegaanka Birta dheer ayaa sheegaya in nawaaxiga deegaankaasi uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

9/15/2012 7:30 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Allaha u naxariisteen waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya guddoomiyhii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) sida ay HOL u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

9/15/2012 3:33 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Waxaa sii kordhaya carrada dadka muslimiinta ah ee caalamku nool ay ka qaadeen gafka ay gaaladu kula kacaan suubanaheenna Muxammed (NNKH) iyadoo malaayiin muslimiin ah ay kacdoon ka samaynayaan filim lagu aflagaadeeyey islaamka oo lagu jilay Maraykanka.

9/15/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biibi oo ku dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.