4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.


Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo ku taalla Kismaayo ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay dagaalamaan inta ay hadafkaas ka suurogelinayaan, balse ma uusan sheegin inay dhici karto in iyagu ay meesha ka baxaan.

"Innagu cid gaar ah oo aan la dagaalsanayn ma jirto, waxaan u dagaalamayno waa inaan ka hirgelinno Soomaaliya ku dhaqanka sharciga Islaamka, inta taas suurogal ay ka noqonaysana waan dagaalamaynaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uusan waxba kaga duwanayn Shariif Sheekh Axmed, balse ay u arkaan inuu yahay nin kale oo ay wataan reer galbeedka si ay ugu gaaraan hadafka ay ka leeyihiin Soomaaliya.

"Mas'uulkii xilka laga qaaday waxaa lagu gaaray danihii la lahaa, midka xilka loo dhiibayna waxaa la doonayaa in inta hartay lagu gaaro, waayo dowladda dhalatay ayaa lagu sheegay mid heshiisyo geli karta, ujeedaduna waa in hantida dalkan la boobo oo keliya," ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Xarakada Al-sabaab ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxay dagaal kula jirtay dowladdii KMG ahayd ee ay Qaramada Midoobay taageeraysay si ay xukunka uga tuurto, balse Al-shabaab ayaa waxay sannadkan oo keliya lumiyeen dhul ballaaran oo ay horay uga talin jireen.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor qaraxyo ismiidaamin ah lagu weeraray hoteelka uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya