4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ah taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya oo warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlay ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Jowhar, isagoo xusay in deegaannadii ay ay gaareen dhawaan ee gobolkaas ka tirsan ay hordhac u tahay sidii ay u gaari lahaayeen Jowhar.

"Inkastoo aanan doonayn inaan saxaafadda ka sheego waqtiga haddana waxaan ku wajahannahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, si aan uga saarno halkaas Al-shabaab," ayuu yiri Jen. Gacma-duulle.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay diyaar-garoobeen, ayna dhawaan dhaqaaqi doonaan, isagoo si aad ah uga gaabsaday inuu ka hadlo xilliga ay rasmi ahaan ku jiheysan yihiin xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa toddobadkii hore la wareegay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe oo 75-km dhinaca bari kaga beegan Muqdisho, iyadoo bishii horena qabsaday degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose oo 90-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

Horraantii sannadkan ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay ka gudbeen Muqdisho iyagoo la wareegay deegaanno ay ka mid yihiin degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo daris la ah xarunta Soomaaliya.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyo cidian oo ay wadaan ciidamada AMISOM ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca waqooyi, iyadoo tan iyo shalay ay deegaannada waqooyi ka xiga Muqdisho ku qulqulayeen gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin beebayaal casri ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya