4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Cudurka Daacuunka oo dad badan ku dilay Deegaanka Hoosingow iyo Waxgaradka oo Hay'adaha Gargaarka u diray Qaylo-dhaan

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Suldaan Cabdi-caafi Suladaan Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ka mid ah waxgaradka deegaankaas oo la hadlay HOL ayaa sheegay in dad u dhintay cudurka ay afar ka mid ah yihiin caruur halka tobanka kalena ay yihiin dad waaweyn, sidoo kalena uu cudurku soo ritay 80-qof oo kale.

"Hoosingoow waxaa la dillaacay cudurka daacuunka, wuxuuna dilay 14-qof, sidoo kale 80-qof ayuu soo ritay tiraduna way sii kordhaysaa, mana jiraan dawooyin ku filan oo lagula tacaalo," ayuu yiri suldaan C/caafi oo intaas ku daray in dad is-xilqaamay ay dhawaan geeyeen deegaankaas dawooyin yar.

Deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya waxayna soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya u jirtaa 50-km oo qura.

"Beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaan ka dalbanaynaa inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka ku nool deegaankaas oo daacuunku uu dhibaato ku hayo," ayuu yiri Suldaan Cabdicaafi oo intaas ku daray in dadka dhintay qaarkood laga helay howdka iyagoo mayd ah.

Mas'uuliyiin caafimaad oo ku sugan deegaanka Hoosingoow ayaa sheegay qof uu ku dhaco cudurkan uu matag iyo shuban ku waalanayo, iyagoo sheeagy in xaaladdu ay aad u adag tahay.

Ugu dambeyn, suldaan C/caafi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu hambalyo u dirayo, wuxuuna ugu baaqay dowladda in dadka ku nool deegaanka Hoosingoow ay u gurmato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya