4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Ururka Islaax oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, doorashadii dhacdayna ku tilmaamay Isbedel Siyaasadeed

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa lagu doortay Muqdisho Isniintii lasoo dhaafay isagoo codad aqlabiyad ah kaga guuleysatay madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed oo ay isugu soo hareen wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada.

"Ururka islaax, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taageero buuxda ayaan u muujinaynaa, waxaana Alle uga baryayaa inuu la garab-galo xilkaas culus," ayaa lagu yiri bayaan ururka Islaax uu soo saaray, kaasoo uu ka saxiixnaa guddoomiyaha ururka, Dr. Alibashi Cumar Xaaji.

Sidoo kale, ururka Islaax ayaa hambalyo taas la mid ah u diray guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa oo iyaguna lagu doortay kulan ka dhacay bishii hore magaalada Muqdisho.

"Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo ururrada bulshada rayidka qaybahooda kala duwan inay si hagar la`aan ah ula shaqeeyaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaaro himilooyinka la higsanayo," ayaa lagu yiri bayaanka Islaax.

Ugu dambeyn, ururka Islaax wuxuu ugu baaqay dhammaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, urur goboleedyada iyo beesha caalamka in la siiyo dowladda cusub ee Soomaaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahan tahay si dalkeenna hooyo uu mar kale cagahiisa isugu taago.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya