4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Deegaannada ay gacanta ku hayso ka mamnuucay Hay'adda gargaarka ee Islamic Relief
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee OSAFA ayaa lagu sheegay in Islamic Relief aysan ka howgeli karin deegaannadooda, iyadoo lagu eedeeyay inay ku xad-gudubtay xeerarkii loo dajiyay inay hay'adaha ajnabiga ah ku shaqeeyaan.

“OSAFA waxay caddeynaysaa in hay'adda Islamic Relief ay kala laabteen ruqsaddii ay kaga shaqeynaysay deegaannada ay mujaahidiintu ka taliyaan. kaddib markii ay ku xad-gudubtay dhammaan xeerarkii loo dajiyay... ayna ku kacday waxyaabo ka baxsan shaqadeeda,” ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay bogga Twitter-ka ay ku leedahay Al-shabaab.

Sidoo kale, hay'adda Islamic Relief ayaa lagu eedeeyay inay fulisay mashaariic ay hay'ado horay loo mamnuucay ka sameyeen deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, sida hay'adda WFP oo dhinaca cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“Hay’adda Islamic Relief waxay si toos ah ula shaqeynaysay hay'ado horay looga mamnuucay deegaannada mujaahidiintu ka taliyaan sida: WFP, arrintaasoo dhowr jeer looga digay balse ay iska dhego-tirtay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska OSAFA.

Ugu dambeyn, xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ayaa waxaa loogu digay ha'yadaha kale ee ku harsan deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, iyadoo loogu baaqay inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in ruqsadda shaqo ee la siiyay looga qaado.

Al-shabaab oo bilihii ugu dambeeyay luminaysay dhul ballaaran oo ay ka talinaysay sida degmada Kismaayo ayaa waxay horay uga manuuceen deegaannada ay ka taliyaan in ka badan labaatan hay'adood oo isugu jiray kuwo madax-bannan iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya